Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf Al-cadaalla ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dulqaad u mujiyaan xirnaansha wadooyinka Caasimada oo maanta intooda badan xiran,sabab la xiriira shirka Madaxada dowladaha dariska la ah Soomaaliya oo Maanta ka furmayo Magaalada Muqdisho.
โShacabkeenna sharafta badanoow, Dawladdiinu waa og tahay duruufaha aad ku nooshihiin kumana faraxsana culaysyada aad la kulmaysaan balse waxay ku faraxsan tahay in ay ka shaqaynayso sidii meesha looga saarilahaa kuwii abuuray duruufahaan (Khawaarijta)
Mahadsanidiin markasta walaalayaal.โsidaa ayuu yiri wasiir Al-Cadaala