Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa hadlay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubinnimada Uurukaan ay Soomaaliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalkaas.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac ayaa xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.
Madaxweynaha oo khudbad jeediyey ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.