Muqdisho(SONNA) Wasiir Canshuur oo furay tababar la xiriira kaalinta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyad ee maareynta musiibooyinka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa daah-furay tababar ku saabsan dowrka isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee ku aadan maareynta musiibooyinka.
“Waxa aan daahfurey tababar lagu baranayo kaalinta Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda ee dhinaca ka-hortaga & ka-jawaabista musiibooyinka oo ay ka soo qeygaleen Aqoonyahanno ka tirsan Siddeed (8) Wasaaradood”. ayuu yiri wasiir Canshuur.
Tababarkan oo socon doona muddo labbo (2)Maalmood ah ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda ugu talo gashay kafaaโiideysiga Tiknolojiyadda ee dhinaca kor u qaadida diyaar garowga maareynta musiibooyinka.
Dadaaladda Wasaaaradda Boostada & Isgaarsiinta ayaa waxa ay kaabi doonaan Qorshaha Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka ee sare u qaadida diyaar garrowga dalka iyo yarreynta nuglaanshaha dadkeena ee Musiibooyinka soo noqnoqdey.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay furitaanka tababarkan ayaa yiri”.Waxa aan u Mahadcelinayaa Maamulka Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka & khuburada ka socda Ururka โGlobal System for Mobile Communicationsโ (GSM Association) oo inoo fududaynaya Tababarkan”.