Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo shaqo ku jooga Hirshabeelle ayaa waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.
Xildhibaan Cali Xoosh, ayaa dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ee ku aaddan arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.
Wasiir Cali Xoosh ayaa shalayto gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxda maamulka oo uu u horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe, siyaasiin iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshada.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dedaallo dib u heshiisiin, sidoo kale ay socdaan dedaallo wacyi gelin ku aaddan u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu wado in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.