Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda waxbarashada XFS oo diyaarisay qorshe lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalkeenna (Jaamacadaha)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Wasaaradda waxbarashada XFS oo diyaarisay qorshe lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalkeenna (Jaamacadaha)
Maqaallada

Wasaaradda waxbarashada XFS oo diyaarisay qorshe lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalkeenna (Jaamacadaha)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 12, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Waxabarashu waa furaha horumarka bulsho. Waddan kasta oo aduunka horumar gaaray, waxbarasho tayo leh ayuu ku gaaray. Haddii si kale loo dhigo, waxbarasho aan dhidibo adag ku taagnayn, waa meesha ugu horaysa oo ay Ummadi, Qaran ama Dawladi ka bur-burto, sidaa darteed, nidaamka waxbarasho ee hagaagsani wuxuu marwalba horseedaa horumar.

Iyadoo, taas laga duulayo, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalkeenna ( Jaamacadaha) oo ay dhawaan wasaaradda u gudbin doonto golaha wasiirada.

“ Arrinta ku saabsan waxbarashada sare oo marka su’aalo ay ka imaan doonaan sida aan rajeynayo, Jaamacadahan maxay u bateen?, Yaa hubiya?, Maxay soo saaraan?, runtii waa su’aalo adag oo inoo yaalo, wasaaraddu waxay diyaarisay qorshe iyo mashruuc loo gudbinayo dhawaan golaha wasiirada oo ansixin doono sida la doonayo in tayada waxbarashada sare ee dalkeenna loo maamulo, oo loo hagaajiyo oo sare loo qaado, marka waxaan rajeyneynaa in todobaadyada soo socda isbedel uu muuqan doono haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada XFS Faarax Sh. C/qaadir.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay jiraan kumannaan ama malaayiin da’yar Soomaaliyeed doonaya in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax weyn ku soo kordhiyaan haddii ay helaan waxbarasho tayo sare leh iyo dowlad arrintaas ka gacan siisa.

Wasiir Faarax Sh. Cabdiqaadir, ayaa tilmaamay in todobaadyada soo socda ay qaadayaan tallaabo ay ku hagaajinayaan Buugaagta waxbarasho iyo Manaahijta, taas oo qeyb ka ah talaaboyinka fiican ee lagu hagaajinayo waxbarashada Dalka.

“ Arrinta ku saabsan buugaagta waxbarashada iyo Manhajka, waa tallaabada ku soo xigto tallaabada macallimiinta. Tallaabadii koowaad waxaan u qaadnay imtixaanka iyo Shahaadada, tallaabada labaad waxaan u qaadnay macalinka, tallaabada saddexaadna waxaan u qaadeynaa buugga ardaygu wax ku barto, waxaanna Insha Allah rajeyneynaa inaan ku guuleysano,” .

Sannadihii ugu dabeeyay, Soomaliya waxay sameyneysay horumarka dhanka waxbarashada Dalka ah. Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada u helaa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah ayaa wasaaraaddu waxaa ay daah furtay hannaanka lagu shaqaaleysiinayo 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlay munaasabadda lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta ayaa is dul taagay hannaanka iyo habraaca loo marayo shaqaaleysiinta 3000 ee macallin, waxaana uu tilmaamay in la raacayo hannaan wasaaraddu dajisay oo cadaalad ah, una siman dhamman Ummadda Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

‘Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaalida waa kobca dhaqaalaha dalka’ (WARBIXIN)

Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmay ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Qaranka. Maalintii Sabtida aheyd…

GudahaMaqaallada
May 13, 2024

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

Muqdisho(SONNA):-Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin). Magaceeda…

MaqaalladaWararka
May 9, 2023

Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada…

GudahaMaqaallada
April 9, 2025

Khawaariijta oo go’adoomisay horjoogeyaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali

Muqdisho(SONNA):-Kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii jab xooggan ay kala kulmeen howlgallada…

MaqaalladaWararka
February 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023