Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 12, 2024
7 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday, iyadoo  Dagaalka koowaad uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan.  Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta Degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen Gaadiid iyo Saanad kale. Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal,  waxaana xogtii markaa oo horudhaca aheyd ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Meydadka Khawaarijta ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga,. Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaana dagaalkaasi ku shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana lagu soo waramayaa in Keymaha howdka ah wali laga soo helaayo Meydad iyo kuwa dhaawac ah, Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadigia Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerarta magaalada waaberigii sabtidii tagtay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda FS.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku  dhigay tiro maleeshiyaad intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku howlan yihiin Aasidda Meydadka la helay, waxaa sidookale ay sii wadaan howlgalka uruurinta maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay caruurtoodu qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan, Dowladdana waxaa ka go’an cirirbtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka si la mid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeena.

Taliyaha lugta Ciidamada Xoogga Dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, Taliyaha oo Kormeeray goobahii lagu jebiyay Khawaariijta iyo gudaha Magaalada ayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deeganka ku ammaanay geesinamada iyo naftahurida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka, wuxuuna intaasi raaciyay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada Qalabka sida, isla markaana ‘Maalin Qaran’ loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta Qalabeynta iyo Tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka Militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xalay dalka Norway kula hadlay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaaqan halkaasi, isaga oo warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al Shabab, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, islamarkaana ay  ku soo taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka khawaarijta.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh ayaa ku dheeraaday ka hadalka dowladihii la soo maray iyo halka ay maanta joogto, wuxuuna ballaanqaaday inay dowladdiisu dhameystiri doonto Dastuurka, islamarkaana la qabto doorasho Hal Qof iyo Hal Cod, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday Xubinnimaddii ay dhawaan Soomaaliya ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u soo nooleyta golayaasha kale ee heer Gobol iyo heer Caalami, waxaa kaloo uu Jaaliyaddsa Soomaalida ee Norway u sheegay in mutaqbalka Soomaaliya uu wanaagsan yahay.

“ Booskii aan dunida ku laheyn oo aan xaqiijinno 54 sano ka hor ayaa noogu dambeysay inaan fadhiisanno Kursiga Golaha Ammaanka, Kursigeena ayaa WaddamadaDersika ay Boorsooyinka saran jireen marka shirarka la yimaado Alxamdullilaah maanta waa fadhinaa waa nimid”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarjta ah ee Alshabaab, wuxuuna sheegay in 17 sano kadib in Shacabka Soomaaliyeed ku baarugeen, islamarkaana qaatay inay la dagaalamaan, kadib markii ay ogaadeen inaysan jirin meel Diin ahaan iyo Qiyam ahaan melena kaga jirin diinta Islaamka, lana dagaalami karo, taasi oo ay horey u ceddeeyeen Culimada Soomaaliyeed, iyagoo ku caddeyay inay yihiin Khawaarijta cusub. “ Khawaarijtu muddo ka badan 16 sano ayay Dalkaan joogeen, iyadoo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed, kadib ayaan go’aansanay in aan ka bilowno la dagaalankooda”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jira khawaarijta uu meel fiican marayo, isagoo ugu mahad celiyay shacabkii ka dhiidhiyay dhibaatada nabad-diidka, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono kooxaha Argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

Addis Ababa(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Arbaco ahayd magaalada Addis Ababa kaga…

GudahaWararka
February 3, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay siyaasiyiinta iyo wax garadka Maxaas

Maxaas-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas,…

GudahaWararka
September 6, 2023

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti

Qatar(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti…

GudahaWararka
March 5, 2023

Golaha shacabka oo mar kale ka dooday ka jawaabista fatahaadaha

Muqdisho (SONNA): Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka…

GudahaWararka
November 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023