Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    Mahad Maxamed Sheekh oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya
    June 3, 2026
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah “SAWIRRO”
Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 5, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha…

June 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Sucuudiga 

Jidah (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jiddah ee…

GudahaWararka
August 6, 2024

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay…

GudahaWararka
December 20, 2022

Labada Gole oo ka qeybgalay xus loo sameeyay hey’ad samofal oo qaabilsan agoonta iyo naafada

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeyb galay xus loo sameeyay sanad guurada 14-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii…

Gudaha
December 27, 2024

Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay bandhigga buugaagta Nugaal

Garoowe (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, kaas oo ay…

GudahaWararka
November 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023