Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Warfaafinta XFS oo xustay maalinta farshaxanka adduunka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Warfaafinta XFS oo xustay maalinta farshaxanka adduunka
GudahaWararka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo xustay maalinta farshaxanka adduunka

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 15, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.

Xuskaan ayaa ah sanadkii labaad oo ay wasaaraddu qabanayso, taas oo muhiimad gaar ah u leh dhiirrigelinta farshaxanka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo horumarinta fursadaha shaqo iyo hal abuur ee dhalinyarada.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimeyaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, iyo Wakiillo ka socday shirkadaha maxalliga ah ee ka shaqeeya farshaxanka dalka.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay sawirro iyo farshaxanno gacmeed ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada hal abuurka u leh farshaxanka, taas oo dareen gaar ah ku reebtay dadkii ka soo qeybgalay.

Maslax Cabidaahir, oo matalayey mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya farshaxanka, ayaa tilmaamay doorka ay shirkaduhu ka ciyaaraan kobcinta farshaxanka dalka iyo taageerada ay siiyaan dhalinyarada hal-abuurka leh.

Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku muujiyey muhiimadda ay leedahay xuska maalinta farshaxanka iyo sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka hadlay qiimaha farshaxanku uu u leeyahay bulshadeena iyo muhiimadda ay leedahay in la helo barnaamijyo rasmi ah oo lagu horumarinaayo fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ku dhiirrigelinayso hal-abuurka Soomaaliyeed, si loo helo farshaxan casri ah oo la jaan qaadaya dunida.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir looga hadlayo istiraatiijiyadda xafiisyada xeer ilaalinta oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (SONNA): Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo ku aaddan diyaarinta qorshaha Istaraatijiyadda iyo hawlaha xafiisyada xeer…

GudahaWararka
June 21, 2023

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday: Ergeyga Gaarka ah…

GudahaWararka
November 23, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobihii ay Biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen…

GudahaWararka
November 11, 2023

Wasaaradda warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo yeelanaya wada shaqayn dhaw

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa'uus Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan…

GudahaWararka
January 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023