Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
GudahaWararka

Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 23, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la’aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa isku raacay in siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ay fursad badan siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed ee iminka heysato shaqo la’aanta.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Balaal Maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in tani ay tahay guul u soo hooyatay dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna heli doonaan fursado shaqo abuur ah, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay qaadan doonaan qeybta uga aadan sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, isagoo intaa ku daray in barnaamijkan uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane Maxamed Aadan Macalin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qorshahan uu wax weyn ka tari doono suuqa shaqada ee Soomaaliya, ayna tahay tallaabo dhiiri gelin mudan, isagoo xusay in baahi weyn loo qabay mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo daah furay mashruucan ayaa balan qaaday inay ka mira dhalin doonaan hadafka iyo ujeeddada loo aas aasay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka,

“Siyaasaddani waxa ay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqo la’aanta iyo si buuxda sare u qaadidda wax soo saarka dalka, Wadanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan, iyadoo qiyaastii 50% in ka badan ay shaqo la’aan yihiin, dadka da’doodu u dhexeyso 15-64 sano, sida ku cad warbixinada Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, si hadaba arrintaa wax looga qabto siyaasadda waxaa saldhig u ah qorshe Qaran oo horumarineed”. Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Mudane Cabdiwahaab.

Siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ayaa la bilaabay sanadkii 2017-ka, waxaana Golaha Wasiirada ay meel mariyeen sanadkii 2019-ka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamsa “Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan”.

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caddaaladdu ay laf-dhabar u tahay nolosha…

GudahaWararka
December 7, 2024

Xafiiska xeer ilaaliyah guud ee Qaranka oo digniin u diray shirkaddaah iyo dadka isku dayay isticmaalka Dukumiintiyada been abuurka ah

Muqdisho-(SONNA):-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in ay baaris ku wadaan  shirkaddo iyo…

GudahaWararka
March 23, 2023

Soomaalida Koofur Afrika ku nool oo helaya Kaarka aqoonsiga Qaranka

Pretoria (SONNA): Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.…

GudahaWararka
January 20, 2026

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baydhabo-(SONNA)-Ibraahim Cali Maxamed oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay Taliska Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga…

GudahaWararka
May 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023