Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, ayaa maanta Muqdisho ka daah furtay munaasabada hirgelinta wajiga saddexaad ee barnaamijka u adkeysiga wadajirka ah oo laga fulinayo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mashrucuan waxa uu ku kacayaa 50 milyan oo Yuuro.
Ujeedada mushruucan ayaa ay tahay in lagu dhiso duruustii laga bartay wajigii hore ee 1 iyo 2 ee xoojinta U-adkeysiga gaar ahaan dhanka nafaqeynta, waxbarashada iyo caafimaadka, waxaa maalgeliya dowladda Jarmalka oo soo marta bangiga horumarinta ee KfW.
Mashruucan waxaa fulin doonna hayโadaha kala ah WFP, UNICEF iyo FAO halka Wasaaradda Qorshaynta ee Federaal ay hormuud ka noqon doonto isku xirka iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta dhammaan dhinacyada ay khuseyso oo ay ku jiraan wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowladd Goboleed.
Ku simaha Agaasimaha guud ahna Agaasimaha waaxda Horumarinta dhaqaalaha Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib ayaa sharaxay ujeedada msharuucan laga leeyahay isagoo qeexay waxa uga badalanahay midka midka wajigaan saddexaad kuwii labadii waji hore.
Sidoo kale wakiilo ka socday saddaxda hayโadd ee mashrucuan hormuudka ah wakiil u hadlay waxa uu tilmamayay in ay diyaar u yahiin in ay la dar dargaliyo mashruuca oo qeybahiisa hore lagu najaxay isla markaana haatan ay diyaar u yahiin sidii natiijo looga gaari qeybaha muhiimka u ahbuslahda u adkeysiga sida naqafada, waxbarashada iyo caafiimaadka.
Ugu dambeyntii kullanka waxaa goobjoog ka ahaa masโuulayiin ka socday dowladd gobaleedka Jubbaland, xubna ka socday wasaardaha dowladda ay khuseeso arinta iyo hayโadda la-dhabarka u ah mashrucua oo kala WFP, UNICEF iyo FAO.