Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga
GudahaWararka

Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 8, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 6dii – 7dii Bisha November ee 2023, kaas oo ahaa mid lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga shrci darrad.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaas oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee Dhammaan dalka.

1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu lee yahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.

4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Goโ€™aan qaadashadiisa.

5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarso ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargoโ€™a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.

6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi korors ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nadaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faaโ€™iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal โ€“ Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer Federaal.

9. Golahu wuxuu goโ€™aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.

10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyink wax ku ool ah bixiyey.
11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Md. Cabdirisaaq Maxamed Sheekh…

GudahaWararka
July 2, 2025

Wasiirka Caddaaladda oo sagootiyay sharci yaqaanno waxbarasho ka helay dalka Turkiga

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa munaasabad sagootin iyo dardaaran ah Muqdisho ugu qabatay sharci-yaqaanno ka tirsan howl-wadeennada wasaaradda…

GudahaWararka
October 2, 2024

Masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dalka oo yeeshay kulan looga hadlyay Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS

Muqdisho-(SONNA)-Kulan ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha iyo masโ€™uuliyiinta Wasaraadaha iyo hayโ€™adaha dowladda ee hoos taga Tiirka arrimaha Bulshada ee…

GudahaWararka
October 27, 2021

Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Diinsoor

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree, wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo qaar ka…

GudahaWararka
November 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023