Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka
GudahaWararka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka

By Khadar Mahdi
Last updated: October 3, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya dadka deegaanka.

Deegaanada laga fuliyay hawlgalada ayaa ka mid ah Buurfuule, oo hoos taga deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guutada 14-ka Oktoobar, NISA, iyo maamulka deegaanka ayaa iska kaashaday howlgalkan, waxaana la sheegay in Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.

Afheyeenka ayaa xusay in ciidamada Qaranka ay si weyn u jabiyeen Khawaarijta dhibaateynayay shacabka oo ku dhuumaaleysanyay howdka xiriiriya gobollada Baay iyo Gedo, iyo sidoo kale gobollada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Intaa waxaa dheer, Guutada 77 ayaa hawlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud, ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana la gubay gaari Cabdi Bile ah oo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay kaga carareen.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa deegaanka Jowhar-Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gaarsiiyay Khawaarijta jab xooggan.

Intii uu guda jiray Shirka Jaraa’id, Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Khawaarijta ay isu soo dhiibeen Ciidamada Qaranka, “waxaa batay isu soo dhiibayaasha u adkaysan waayay rafaadka ay Khawaarijta ku jiraan iyo weerarada joogtada ah ee ay fuliyaan Ciidamada Qaranka.”

Hawlgalladan ayaa muujinaya dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan xakameynta khatarta Khawaarijta, si loo sugo amniga iyo xasiloonida dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay wejiga labaad ee la dagaallanka Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u…

GudahaWararka
August 8, 2023

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku…

GudahaWararka
May 26, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale

Muqdisho, SONNA:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa…

GudahaWararka
May 20, 2024

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo 2 bilood laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka BJFS

Muqdisho(SONNA):-Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

GudahaWararka
December 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023