Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga
Wararka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 2, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta  ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan.

Warbixin ka kooban ilaa shan bayj ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba.

Waxaa sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka

Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan.

Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen

 

Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah.

Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka.

Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale.

Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka.

Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale.

Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa.

Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan

“Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta.

  • In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto. Iyo
  • in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Cumar Filish oo soo gaaray Magaalada Muqdisho+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar…

WararkaWargayska
August 22, 2020

Wasaaradda Shaqada DFS oo gudoontay qalab xafiiseed loogu talagalay Waaxda Farsamada Gacanta

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay maanta kala wareegtay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ)…

Wararka
July 14, 2020

Ciidamada Duufaan oo gacanta ku dhigay keyd hub ah iyo horjoogayaal Al-Shabaab ah

Ciidamada NISA  ee Duufaan ayaa howlgal ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ku soo qab-qabtay saddex Horjooge oo…

Gudaha
January 7, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Wax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been”

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la…

GudahaWararka
July 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023