Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxay ogeysiineysaa Aqoonyahanada Soomaaliyeed in Ururka Xakamaynta Ayaxa lama-degaanka ee Bariga Afrika (DLCO-EA) oo ah urur goboleed lagu asaasay Heshiis Caalami ah oo ay saxiixeen Wadamada kala ah: Jabuuti, Eriteeriya, Itoobiya, Keenya, Soomaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Tansaaniya iyo Yugandha Shaqadiisuna tahay xakamaynta dullinnada hayaama, gaar ahaan Ayaxa lama degaanka (Desert Locust) Shimbiraha isla-guura (Quelea birds) diirdiir (Fall army worm) iyo dukhsi Gindi (Tsets Fly) ee Bariga Afrika ka banaantahay ilaa Shan Boos waana sida hoos ku faah-faahsan.