Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
GudahaWararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

By Bile
Last updated: July 13, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA_Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia, Talaadadii 9-kii bishan July 2024.

Kulanka ducada ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Aamin Sheekh, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Cali Axmed Jaamac Jangali, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ku jireen kuwo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ehellada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Dawladda.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay taariikhda Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud  oo muddo 39 sanno ah u adeegayay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaan Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad),Cali Jangali, Cabdullaahi Qaloocow iyo mas’uuliyiin kale oo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ku sifeeyeen adeegge dhab ah oo qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed si howlkarnimo leh ugu soo shaqeeyay.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku hadlay afka Qoyska Marxuum wasiir hore Maxamed Cali Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ka soo qaybgalayaasha isku imaatinkooda ducada iyo tacsida.

Wasiirka Gaashaandhigga,  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa tacsi u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Qoyska Marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii ka sheegay munaasabadda ducada iyo tacsida ah inay waqti murago leh u tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo markaa uga tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo guud ahaan qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii dawladeed ee muddada ugu dheer xilal ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u leedahay sooyaal lagu dhigo xuska, xasuusta iyo tacsida mas’uuliyiinta ka geeriyoota.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuum Maxamed Cali Xaamud ee ku sugnaa munaasabadda tacsida iyo ducada ah, isagoo markaa la wadaagay dareenkiisa tacsida.

TAGGED:Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa kasoo baxay sahankii lagu sameeyay xirmooyinka shidaalka Soomaaliya?

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhowaaqi doonaan natiijada dhabta ah…

GudahaWararka
June 25, 2025

Beeraleyda Shabeellada dhexe oo ka walaacsan fatahaadda wabiga ee soo noq-noqatay

Qaar ka mida beeraleyda ku nool deegaanada hoos yimaada Degmada Jowhar, ayaa walaac  ka muujiyay fatahaada wabiga Shabeelle ee sanooyinkii…

Wararka
September 8, 2020

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha : “Cunto saxan ayaa leh mustaqbal iyo nolol wanaagsan”

Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo waraabaaka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Cuntada saxan ay leedahay…

GudahaWararka
October 16, 2024

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro…

GudahaWararka
June 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023