Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”
GudahaWararka

Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah.

“Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looba baahan yahay in ay iska qabtaan.

” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”.

Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaas oo si naxariista daro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Sidoo kale, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah (Media Satellite Teleport)

Muqdisho(SONNA):-Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay…

GudahaWararka
July 17, 2025

Mileteriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

Dowlada militariga ee afgambiga ku qabsaday dalka Myanmar ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ka…

Wararka
February 4, 2021

Midowga Africa iyo QM oo Ka Digay in Hub Sharci Darro ah Loo Daabulo Colaadaha ka Aloosan Dalka Liibiya.

Ururuka midowga Africa iyo Qaramada midoobay ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in hub iyo dagaal yahano loo diro…

Wararka
February 9, 2020

Taliyaha ciidanka Booliiska oo hambalyo u diray ciidanka Booliiska 

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u…

GudahaWararka
December 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023