Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Qadar kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee dalkaasi
    January 22, 2026
    Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada Gobolka Banaadir
    January 22, 2026
    R/Wasaare Xamsa oo boogaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanka Kudhaa
    January 22, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
    January 21, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Uganda oo mar kale la doortay
    January 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
GudahaWararka

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

By Abdulkadir
Last updated: August 28, 2023
4 Min Read
Share

Dhuusamareeb(SONNA):-Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 โ€“ 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saarayย seddax qodob oo kala ah:

1 โ€“ Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 โ€“ Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 โ€“ Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin:ย Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

โ€ข QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY:ย Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:

โ€ข HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTAโ€ขย Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.

โ€ข Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee heyโ€™addaha dalka.

โ€ข Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.

โ€ข Goluhu wuxuu goโ€™aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.

โ€ข XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTAโ–ชย Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hayโ€™adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.

โ–ชย Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

โ–ชย Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

โ€ข U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADAโ–ชย Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faaโ€™iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

โ€ข DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHOโ€ข Goluhu wuxuu goโ€™aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.

โ€ข Goluhu wuxuu farayaa hayโ€™adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.

โ€ข QODOBBO KALEโ–ชย Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

โ–ชย Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

โ–ชย Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

โ–ชย Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

โ€ข MAHADCELINโ–ชย Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

ย ย ย ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Qadar kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee dalkaasi

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo booqasho rasmi…

January 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS ooย guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Dooxa(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya…

GudahaWararka
December 7, 2025

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diiwaangashan

ย ย  Muqdisho:(SONNA)-Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan.…

Wararka
July 13, 2020

Galmudug oo ciidamo gaysay deegaano ka tirsan Mudug oo Al-shabaab ay dhuumaalaysi ku yimaadeen

Gaalacyo (SONNA)- Wasiirka Amniga Galmudug , guddoomiyaha gobolka Mudug iyo masโ€™uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku…

Wararka
January 18, 2021

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bakool

Bakool (SONNA):-Howlgallada ayay ciidanka ka sameeyeen deegaannada Qaydar-eddi, Faayerboor,hiibow ilaa Moorigaabey intuu socday howlgalka ayay Ciidanka waxa ay gacanta ku…

GudahaWararka
April 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023