Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
    June 10, 2026
    Meertada 3-aad ee Madasha Maayarada dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
    June 11, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed
    June 10, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay oo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 10, 2026
    Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan isku-xirka ganacsiga geeska Afrika
    June 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 3, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan uu magaalada Djibouti kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay geerida fannaanaddii qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay Mareykanka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay dalka Mareykanka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire.

7-Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre ayaa sheegay in  shuruuc laga soo  saari doonaa dadka baraha bulshada ka wada hurinta dagaallada qabaa’ilka  iyo kicinta bulshada.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay meel marisay heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay haweenka ku bahoobay Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo looga hadlayey kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

10-Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatey kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka tarjumeyso kalsoonida caalamka ku qabo Soomaaliya.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Tamarka iyo Biyaha iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) halkaas oo uu warbixin kaga dhegeystay mas’uuliyiinta hay’adahaasi.

13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galey munaasabadda daah-furka hay’adda Bulsho SACCO oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yar yar.

14-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay fannaanadda Luul Jeylaani Cali.

15-Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo qeybaha kala duwan ee bulshada.

16-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Daahir Shire Maxamed ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay dhameystirka shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

17-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa digniin ka soo saartay adeegsiga muuqaalada iyo wararka lagu hurinayo colaadaha beelaha dalka ku dhaqan.

18-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar  ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

20-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

21-Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Cali Yuusuf Cali Xooshi ayaa  booqasho shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

22-Wasiirka Amniga Gudaha  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka Booliska ay ku hawlgalaan Hoggaanka Gaadiidka, Ciidanka Miino Baarka iyo Guutada Ilaalada Madaxda ee Booliska ka tirsan.

24-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay shirka  la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax ka beddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah.

25-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta arrimaha nabadgelyada la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

26-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa magaalada Mersin ee dalka Turkiga kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaaladaasi.

27-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay  qeybo ka mid ah dalka.

28-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay  culimada Soomaaliyeed si looga  hortago khataraha  colaadaha sokeeya   ee ka socda qaar ka mid ah dalka.

29-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

30-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waqti kula qaatay Shacabka caasimada oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta.

31-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

32-Wasaaradda Qorsheynta  ayaa qabatey kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinaayey  Qorshe Hawleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

33-Ciidanka Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa toogtay ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada kooxda Daacish oo isku dayay inay weeraraan xerada ciidanka ee deegaanka Dharjaale ee gobalka Bari.

34-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dilal geysatay iyo kuwa ka ganacsanayay maandooriye oo lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda…

June 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 qof oo kasoo bara baxay dalka Sudan

Muqdisho(SONNA):-safiirks Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya u fadhiya dalka koonfurta Sudan Danjire Cabdikariim Xaaji Cumar Cameey oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee…

GudahaWararka
May 1, 2023

Dowladda oo mar kale ammar ku bixisay in aan hub culus lagu wadan karin Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay fulinta amarkii…

GudahaWararka
April 13, 2023

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin Dollar oo loo waday Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xayiray Akoono cusub oo lacago badan loo marinayey Khawaarijta, sida lagu…

GudahaWararka
March 5, 2024

Natiijada doorashada Baarlamaanka Hir-shabeelle ee kursiga 58-aad

Waxaa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga58-aad, kaas oo ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee maamulkaasi .Doorashada…

Gudaha
June 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023