1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliya.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Afrika iyo Bankiga Adduunka oo ka dhacay Nairobi, halkaas oo uu ku soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dar Es Salaam kaga qeybgaley xuska sannad guurada 60aad ee maalinta midnimada Jamhuuriyadda Tanzania.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa kulan miradhal ah ku yeeshay magaalada Dar Es Salaam.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagey Tanzania ayaa booqday Xarunta Kaydka Dawada iyo Isbitaalka Muhimbili ee magaalada Dar Es Salaam.
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar Es Salaam kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan dalka Tanzania.
8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Jasiiradda Zanzibar ee dalka Tanzania, halkaas oo uu wadahadal kula oo yeeshay Madaxweyne Hussein Ali Mwinyi.
9- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliya.
10- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa farey dhammaan hayโadaha dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee heyโadaha dowladda.
11- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray kulanka geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaranka.
12- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo goobjoog ka ahaa dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka, kuwaas oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya..
13- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.
14- Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaaย magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orliรฉ.
15- Raโisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka booqasho ku yimid.
16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir ku saabsan mideynta farriimaha warbaahineed ee dowladda u soo xiray madaxda xafiisyada warbaahinta ee hayโadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
17- Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta.
18- Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.
19- Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.
20- Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu bogaadiyay horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
21- Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhowaysay war murtiyeedka Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee lagu bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaneyso.
22- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Abuubakar ayaa daahfuray Mashruuca Better Lives ee horumarinta caafimaadka bulshada oo laga hirgelin doono Galmudug, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka faaโiideysan doonaa ku dhawaad 1.5 million oo qof.
23- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeduba uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka daโay.
24- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in todobaadyadii la soo dhaafay ay dowladda isku soo dhiibeen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada Al Shabab.
25- Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneyseyย falkii kooxaha Khawaarijta ah ku laayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud.
26- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hayโadda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.
27- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Caliย Xoosh ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hayโadda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.
28- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.
29- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Mudane Cali Yuusuf Cali โ Xoosh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mudane George Conway Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qaabilsan isku duwidda arrimaha biniโaadannimada.
30- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan is xog wareysi ah Muqdisho kula qaatay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug ,HirShabeelle, iyo Koonfur Galbeed.
31- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaloya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaaย kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobayย ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.
32- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.
33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji ayaa qaabilay Wakiilka hayโadda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka.
34- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Marroco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad ee Wasiirrada Beeraha ee Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.
35- Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin ayaa daah-furay mashruuc xoojinaaya isku xirka nidaamyada bixiya digniinaha halista ah ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
36- Taliyaha Ciidanka Dhulka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay sarakiil ka tirsan qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
37- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka sameeyey degaanno hoostago Degmada Buolaburte ee Gobolka Hiiraan.
38- Taliyaha Heyโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ayaa booqday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
39- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kormeeray Xarunta Dhexe ee Hayโadda Socdaalka iyo Jisniyadda, halkaas oo uu kulamo kula qaatay agaasinka iyo hawlwadeennada hayโadda.