Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
GudahaWararka

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

By SB
Last updated: December 26, 2025
4 Min Read
Share
back to school social media post banner template

Muqdisho(SONNA):-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda, sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda oo aan shaki ku jirin u diidaysaa tallaabada sharci-darrada ah iyo weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda, kaas oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato waqooyiga Soomaaliya. Gobolka Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana dhul aan laga goyn karin, aan la kala saari karin, kana mid ah dhulka qaranka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka waxay adkaynaysaa in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, aan la kala qaybin karin, isla markaana aanay jirin cid shisheeye ah oo xaq ama awood u leh inay wax ka beddesho midnimadeeda ama qaab-dhismeedka dhulkeeda. Qoraal, aqoonsi, ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadan waa waxba kama jiraan, sharci iyo siyaasad midna kama laha sharciga caalamiga ah. Arrimaha ku saabsan midnimada Soomaaliya, maamulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah waa xuquuq gaar u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xallin karaa oo keliya hannaan sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageeradeeda mabda’a ku dhisan ee ay la garab taagan tahay xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aamin. Waxay si adag u diidaysaa gumeysi, barakicin khasab ah, wax ka beddelka qaab-dhismeedka bulshada, iyo ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah dhammaan noocyadooda. Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo dad aan dal lahayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo Soomaaliya gelin kara dagaallo wakiil ah ama soo gelin kara colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan ah ay si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Bariga Dhexe, iyo guud ahaan gobolka. Tallaabooyinkan waxay ka hor imanayaan mas’uuliyadda wadajirka ah ee dowladaha ee la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna abuuri karaan jawi ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed, iyagoo wiiqaya dadaallada socda ee nabadda iyo amniga.

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wada-shaqayn dhisaysa oo mabda’ ku salaysan oo ay la yeelato beesha caalamka, iyadoo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaan sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi goboleed. Arrintan awgeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ahaadaan kuwo midaysan, feejigan, isla markaana u istaaga difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka qaranka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeeraysaa dhammaan dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ay dhowraan mabda’a faragelin-la’aanta iyo dhowrista midnimada dhuleed, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh, iyagoo danaynaya nabadda, xasilloonida, iyo amniga Geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Soomaaliya oo  u hambalyeeyay haweenka Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegay 8-dda marso

Muqdisho.SONNA... Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida,gaar ahaan haweenka…

Gudaha
March 8, 2024

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay deegaanada kulaala  Kudhaa

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab oo garab ka helaya ciidammada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhaqaaqay howgal lala beegsaday…

Gudaha
January 22, 2026

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay…

GudahaMaqaalladaWararka
January 7, 2023

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta…

GudahaWararka
February 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023