Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 18, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdish kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aden Barre Duale oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyaad warbaahinta kala hadlayey ayaa ku baaqey in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Al Shabab, xilli la xusayo sannad guuradii 6aad ee ka soo wareegtay xasuuqi Khawaarijta Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Soobbe ee magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Sweden u fadhiyi doona Soomaaliya , Mudane Joachim Waern.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay aqoon is weydaarsi ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirada oo lagu lafa gurayey hirgelinta nidaamka dowladnimada casriga iyo hufnaanta maamulka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu soo tababarey dalka Eritrea, kulana dardaarmey inay gutaan waajibaadka ka saran dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka toddoobaadlaha ee Golaha Wasiirada, isla markaana ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo barnaamijyada kale ee siyaasadeed ee dalka horyaalla.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay olole dhiig loogu shubayo Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Masjidka Madaxtooyada ayaa amaanay doorka shacabka ee dagaalka Al Shabab, sharaxaadna ka bixiyay sida looga wada qeyb qaadanayo barnaamijka dib u habeynta siyaasadda dalka.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jarey laba waddo oo dib loo dayactiray oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si rasmi ah u furay Xarunta Tubsan ee la dagaalanka fikirka xagjirka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay oo khudbad ka jeediyay shirka jiheynta dowladnimada casriga ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirada xaqiijinta ahdaafta saldhigga u ah dowladnimada ee ay kow ka tahay isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan kula yeeshay Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Mudane Aden Barre Duale.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee dalka.

14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku began 12-ka October u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

15- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & Melinda Gates oundation Ahna Madaxa Guddiga La Socodka cudurka dabeysha, Dr Chris Elias.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay kulan farsamo oo ku saabsanaa amniga, caddaaladda iyo dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan barnaamijka qaran ee xasilinta.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada degaanka ee Khawaarijta ka saarey degaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kormeeray talisyada ciidanka dowladda ee koonfurta Mudug.

21- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada degaanka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Mudane Yusuuf Xuseen Jimcale ka qeybgaley xus loo sameeyay shuhadadii ku naf waayey weerarkii 14 October.

23- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, oo ka dhacay dalka Morocco.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Cabdifataax Macallim Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

25- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Cadaaladda ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi ayaa dalka Turkiga kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgali milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmooyinka Waajid, Rab-dhuure, Luuq Ganaane, iyo Yurkud.

==DHAMMAAD===

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka Guddiga ka hortagga lacag dhaqidda…

GudahaWararka
November 30, 2024

Wasaaradda hawlaha guud iyo UNOPS oo kala saxiixday heshiiska horumarinta biyo-mareenada Baydhabo

Muqdisho (SONNA): Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-u-dhiska iyo guryaynta XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo…

GudahaWararka
November 18, 2024

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Safaaradda Shiinaha kala wareegtay gargaar loogu talo galay dadka danta yar

Muqdisho (SONNA) Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa maanta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegtay gargaar loogu talo galay dadka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
February 28, 2023

Hay’adda SoDMA oo kaalmo gaarsiisay Degmada Wisil

Wisil (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug,…

GudahaWararka
March 2, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023