Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah
GudahaWararka

War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 1, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u akhriyey war-murtiyeedka shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoomiyey madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha  Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya.

Qodobada ahmiyadda wayn leh ee madaxdu isku raacay ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda shirka ka soo qeyb gashay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan.

Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS” Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Muqdisho-(SONNA0-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada…

GudahaWararka
August 2, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay…

GudahaWararka
March 13, 2023

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Baay

Muqdisho(SONNA):-Hawlgal gulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began…

GudahaWararka
October 22, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga iyo safiirka Mareykenka  ee hay’adaha Qaramada Midoobay u fadhiya Rome

ROME:-(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga…

GudahaWararka
February 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023