Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa hawlgalladda ATMIS Mudane Mohamed El-Amine Souef oo maanta si wadajir ah shir jaraa”id ula qabatay wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlagalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo qorshaha ka bixitaankooda Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ee Midowaga Afrika ayaa sheegay in ay fulayso xiliga lagu ballamay in ay dalka ka baxaan ciidmada ATMIS Ammaanka dalkana ay si buuxda ula wareegayaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed
“istiratijiyada ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee bisha December 2024 waa fulaysaa, wayn shaqaynaysaa” sidaa ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Mudane Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Beesha caalamku ay bogaadineyso hawl-galladda socda ee lagula dagaalamayo Khawaarijta Al-Shabaab ayna u muuqato in dowladda ay ka go’antahy dabar goynta khawaarijta iyo in Amniga dalka ay ku filnaato.
“Marka aad eegto adduunka, ciidanka awaamiir waa la siin karaa, oo waa ay dagaal geli karaan balse halkan waxa aad arkaysaa in Madaxweynaha uu ku jira jiida hore ee dagaalka, taasoo micnaheeda yahay in ay jirto ka goโnaanshoย madaxda sare ahย sida Raโisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada oo dhammaantood ay dagaalka ku wada jiraan”ayuu markale yiri Wakiilka.
Wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay qeyb weyn ka qaateen howlgallada socda ,kuwaas oo fahmay in cadawga 1-aad ย ee dhibaatada ku hayo khawaarijtu tahay,dhibaatada kale ay abaartu tahay.
“Ciidanka xoogga dalka waxa ay taageero ka heleen dadka deegaanka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federal-ka, sidoo kale ATMIS waxa ay ciidanka xoogga dalka ka taageereysaa hawl-galada socda gaar ahaan dhanka Logistics-da sida in diyaaradaheena ay wixii taageero ku gaarsiino”
Wakiilka Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn sheegay in ATMIS ย Wasaaradda Gaashaandhigga dolwadda Soomaaliya ku wareejisay xerada weyn ee Maslax halkaa oo mudda fariisimo u ahayd ciidanka ATMIS waana talaabadii uga horeysay, waxaanaย qabaney munaasabad ay ka soo qeybgaleen masuliyiin dowladda ka socotay oo ku wareejinay masโuuliyadda xerada.