Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 18, 2024
7 Min Read
Share

Urur goboleedka IGAD Waa midaw ay ku bahoobeen waddamo dhaca Geedska Afrika, Ururkaan waxa la aas-aasay bishii January ee sanadkii 1986-kii, waxaana xarun u ah oo oo lagu aas-aasay, magaalo madaxda Jabuuti, aas-aaska ururkan waxa ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee waddanka Jabuuti Mudane xasan Guuleed Abtidfoon. Waddamada IGAD Ka tirsan waxa lka mid ah:- Soomaaliya, Jabuuti, Ugandha, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Eretareeya, iyo Itoobiya.

  • Eratareya (2003) ayay ku biirtay.
  • Soomaaliya (1986) ayay ku biirtay
  • Jabuuti (1986) ayay ku biirtay
  • Itoobiya (1986) ayay ku biirtay
  • Suudaan (1986) ayay ku biirtay
  • Koonfur Suudaan (2011) ayay ku biirtay
  • Yugandha (1986) ayay ku biirtay

Wadamadani waxa ay iska kaashadaan waxyaabo kala duwan sida horumarinta deegaanka , nabadgalyada, Isdhexgalka wadamada, badanaa waddamada ku bahoobay IGAD waxaa saameeya abaaro iyo dagaallo sokeeye.

haddaba waxa safar ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha Ururka IGAD ayaa mar kale sheegay in ay ka go’an tahay dhowrista madax bannaanida Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in IGAD ay aheyd Ururkii ugu horreeyay ee ku baaqa in hoggaamiyeyaasha dowladaha ay ilaaliyaan madax bannaanida dalka Soomaaliya.

Hadalka Gebeyehu ayaa imanaya ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u caddeeyay hadafka guud ee IGAD kaga aaddan gobolka , gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada ,horumarka mandiqadda iyo sidii xasillooni loogu wada noolaan lahaa.

Ururka IGAD ayaa marar badan ku celceliyay in la dhowro madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kastoo ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ku xad gudubtay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”. Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan” iyadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya ka mid aheyd dalalkii aas aasay Urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.

Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sarreeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba War saxaafadeed ka soo baxay booqashada Xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, oo ah xubin aas aastay Urur goboleedka IGAD, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara ee Geeska Afrika. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, H.E. Dr. Workneh Gebeyehu ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wadahadal ay yeesheen ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo qorshayaasha IGAD ee Soomaaliya ka socda.

Madaxweynahga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka IGAD ee horumarinta gobolka.

Kulan gaar ah oo uu la qaatay Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Dr. Workneh ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis lagu sii xoojinayo xiriirka IGAD iyo Soomaaliya. Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa ah in la dhiso xarun heer gobol ah oo heer sare ah oo dhanka dhaqaalaha buluuga ah.

Dr. Workneh ayaa ku ammaanay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka ay ku qaadayso nabadda iyo dowlad-dhisidda, isagoo muujiyay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka ciyaareyso qaabeynta xasilloonida iyo amniga gobolka,  wuxuuna kaloo xaqiijiyay in IGAD ay sii wadi doonto taageerada dadaallada Soomaaliya ee wax looga qabanayo caqabadaha sida ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wax ka qabashada barakicinta cimilada, iyo kobcinta maamul loo dhan yahay.

Dr. Workneh oo ka hadlayay booqashada ayaa yiri “Soomaaliya kaliya ma ahan xubin aasaasi ah oo IGAD ka tirsan balse sidoo kale waa saaxiib muhiim ah oo ku aaddan howlgalka aan wadaagno ee ah horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaan garab taaganahay Soomaaliya inta ay ku sii socoto wadadii ay ku gaari laheyd nabad iyo barwaaqo waarta, waxaana sii wadi doonnaa taageerada dadaallada dowladda ee lagu dhisayo Qaran adkaysi leh.”

By. C/lahi Ruush

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

Muqdisho-(SONNA)-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo kasoo shiraacday…

GudahaWararka
January 14, 2025

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda ee Golaha Shacabka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka,…

GudahaWararka
December 8, 2024

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah…

GudahaWararka
August 18, 2025

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxii shalay

Muqdisho (SONNA): Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno…

GudahaWararka
July 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023