Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wafdi ka socda Soomaaliya oo Ethiopia uga qaybgalay shirweynaha maalgelinta cimilada Afrika 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wafdi ka socda Soomaaliya oo Ethiopia uga qaybgalay shirweynaha maalgelinta cimilada Afrika 
GudahaWararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Ethiopia uga qaybgalay shirweynaha maalgelinta cimilada Afrika 

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 1, 2025
3 Min Read
Share

Addis Ababa (SONNA):  Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee maalgelinta cimilada, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Adduunka (GCF), hay’ado caalami ah, wasiirro maaliyadeed oo dalal Afrikaan ah iyo hey’ado dowladeed oo kala duwan.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Mudane Liban Aadan Obsiye, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kaliya isku-duwid, hoggaan iyo lahaansho qaran ay xaqiijin karaan guusha maalgelinta cimilada, isaga oo hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa madasha Cimilada Cagaaran (GCF Platforms).

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye ayaa sharaxay nidaamka cusub ee Maalgelinta Cimilada Soomaaliya oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne sanadkii hore, islamarkaana uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada (NCF) oo hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso helitaanka hay’ad qaran oo la aqoonsan yahay si loo isticmaalo nidaamyada qaranka, loo xoojiyo hay’adaha iyo in lagu yareeyo kharashaadka hirgelinta. Waxa kale oo uu xusay muhiimadda dhismaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyadoo si istiraatiiji ah loo adeegsanayo maalgelinta Cimilada Maaliyadda.

“xaaladdaheena nugul, doollar kasta oo maalgelin ah waa in uu ka dhasho saameyn wax ku ool ah oo dhisa adkaysiga dadka ugu nugul. Lahaanshaha, hoggaanka iyo isku-duwidda qaranku waa lama huraan si taas loo gaaro,” ayuu yiri Agaasimaha Sanduuqa Cimilada, Mr. Obsiye.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka maalgelinta cimilada weli caqabad ku tahay dalal badan oo Afrikaan ah, inkasta oo qaaradda ay tahay tan ugu badan ee maalgelinta cimilada aysan ka jirjn. Sidaas darteed, ayuu sheegay, in qorsheynta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha iyo waxtarka kharashaadka dowladda ay yihiin kuwo asaasi ah si wax looga beddelo farqiga weyn ee maalgelinta cimilada. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dowladuhu khasab tahay in maalgelinta cimilada lagu daro istiraatiijiyadaha dhaqaalaha guud ee qaranka iyo qaab-dhismeedka maaliyadeed, maadaama ay saamayn weyn ku leedahay kharashaadka dadweynaha ee Afrika.

Intii uu shirku socday Agaasimaha Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada, ayaa shirar muhiim ah la qaatay madax ka tirsan Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Cimillada Adduunka iyo Hey’addo kale oo Maaliyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda Cimilada.

Soomaaliya dhawaan ayay aasaastay Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada si wax looga qabto saamaynta isbeddelka cimilada iyo in lagu taageero wax ka qabashada arrimaha khatarta leh sida abaaraha iyo roob la’aanta soo noqnoqday ee si weyn u saameeyay bulshada reer guuraaga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahayd maalgelinta cimilada ee caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal-wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Baydhabo-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay maanta gaaay  magaalada…

GudahaWararka
November 22, 2020

Madaxweynaha K//Galbeed oo gaaray Bardaale

Bardaale.(SONNA)...Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K//Galbeed C/casiis Xasan Maxamed  Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan…

Wararka
November 9, 2019

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay Munaasabad ku saabsan doorka Ganacsatada ee horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad ku saabsan doorka Ganacsatada…

Wararka
November 17, 2020

Guddoomiye Abshirow oo kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola

Angola(SONNA):-Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa maanta magaalada Luanda kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka…

GudahaWararka
October 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023