Baydhabo-(SONNA)-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, koofur Galbeed, Maxamed Nuur Cadde, Wasiirka Kalluumeysiga C/qani C/llaahi Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose Ibraahim Aaden Cali (Najax), ayaa Saacadihii lasoo dhaafay waxay gaareen degaannada Sabiib iyo Mareerrey oo ay saameysay fatahaadda Webiga.
Masโuuliyiintan oo la hadlay sheegeen in fatahaada wabigga saameyn muuqata ku yeelatay qeybo badan kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in meelaha qaarkood dadku dhibaato badan ku qabaan biyaha fatahay.
Wabigga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyey Shabeellaha hoose waxaana jirtay in deegaano badan oo gobolkaas kamid ah dadku isaga baxeen guryahoodii sababao laxiira biyaha oo sameyn ku yeeshay.
Qorshaha wafdigaas hadda gaaray Shabeellaha hoose ayaa waxaa kamid ah in qiimeyn lagu soo sameeyo xaaladda iyo qaabka wax looga qaban karo.