Luanda (SONNA): Xoghayaha guud ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cabdinasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo xoghaye ku xigeenka golaha shacabka mudane Maxaamed Cabdullahi Cabdi (Ciyow), ayaa ka qayb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka oo ka dhacay Magaalada Luanda ee dalka Angola.
Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha la xisaabtanka Baarlamaannada adduunka iyo muhiimiyadda ay leedahay in laga guuro isticmaalka waraaqaha oo hadda ay inta badan isticmaalaan Baarlamaannadu loona guuro habka casriga ah (Digital-ka).
Xoghaye Cabdinaasir oo bogaadiyay shirka ayaa ballan qaaday in Baraalmaanka Soomaaliya ay dardar gelin doonaan ku shaqaynta habka casriga ah ee Digital-ka, arrimaha matalaadda, Shuruucda iyo islaxisaabtanka.