Muqdisho (SONNA)-Talaalkan oo lagu curiyay gudaha Britain ayaa lagu magacaabaa Oxford / AstraZeneca waxaana sameeyay seynisyahano UK u dhashay oo jooga jaamacadda Oxford .
Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in arintan ay tahay war wanaagsan oo muhiim ah iyo guul ay gaareen culimada seyniska ee UK.
Wuxuu Boris tilmaamay in ay iminka bilaabayaan talaalidda dad badan sida ugu dhaqsiyaha badan .
UK ayaa horay u bilowday isticmaalka talaalka Pfizer/BioNTech, kaas oo lagu farsameeyay dalka Jarmalka waxayna ahayd wadankii ugu horeeyay ee ansixiya.
Talaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya waqti UK uu dhibaato xoog leh ku hayo nooc cusub oo karoonaha ka mid ah, kaas oo si lixaad leh ku faafaya.