Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”
Wararka

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 13, 2020
3 Min Read
Share

Berne, Switzerland (SONNA) – 13 Febraayo 2020) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa awoodda boostada ee dhinaca ammaanka, iyada oo laga taageerayo qalabka, tababarka iyo dajinta siyaasado iyo istaraatiijiyado lagu sugayo ammaanka boostada ka baxaysa dalka, waxaana mashruucan maalgelinaysa Dawladda Japan.

Mashruucan ayaa imanaya iyada oo uu gabagabo marayo qorshaha ay Boostadeenu ku billaabeyso inay dalka dibeddiisa wax u dirto markii ugu horreysay tan iyo 1991-kii, markaas oo adeeggii boostada uu burburay, iyada oo iminka ay gabagabo marayaan diyaarinta siyaasadiha iyo habraacyada, tababarka shaqaalaha, diyaarinta agabka sida tikidhada (farangaboolooyinka), xaruntii boostada ee garoonka Muqdisho, xiriirka diyaaradaha, iwm.

“Mashruucan wuxuu ku soo aaday xilli muhiim ah oo aan isku diyaarineyno inaan billowno boostada dibedda. In boostada dibedda loo diro waa shaqo aad u adag oo u baahan inaad buuxiso shuruudo badan, oo lama mid aha marka boostada imanayso oo aad ku qeybin karto hal meel,” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u xusay in mashruucan ka mid yahay waxyaabaha loo soo fasaxay wasaaradda ka dib markii ay sanadkii 2019-kii dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Ururka, taas oo u xannibneyd bixin la’aanta qaaraanka UPU tan iyo 1983-dii.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka sare ee UPU, gaar ahaan Danjire Bishaar, oo nagala shaqeeyay mashruucan iyo kuwii ka horreeyay ee lagu soo nooleynayay boostada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka heerka sare ee horumarinta adeegyada boostada adduunka, kaas oo maanta ka furmay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland. Shirkan ayaa looga hadlayaa baahida loo qabo isbeddello lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso UPU, xilli horumar weyn laga gaaray arrimaha teknolojiyada, ayna soo baxeen boostooyin gaar loo leeyahay, kuwaas oo hoos u dhigay qaar ka mid ah adeegyadii ay boostadu qaban jirtay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi ka socda Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shir uga qaybgalaya dalka Angola

Luanda (SONNA): Xoghayaha guud ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cabdinasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo xoghaye ku…

GudahaWararka
October 25, 2023

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo booqday xarunta jaamacadda Afrika ee dalkaasi+sawirro

(Khaartuum) Danjiraha J.F. Soomaaliya ee  dalka Suudan Amb Mohamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagagey Jaamacadda Caalamiga…

Wararka
August 12, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo Fatahaadaha

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka…

GudahaWararka
October 7, 2023

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan Ciidanka

Muqdiaho(SONNA):-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu…

GudahaWararka
September 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023