Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Tuulada Cayaaraha Dalka gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tuulada Cayaaraha Dalka gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO
GudahaWararka

Tuulada Cayaaraha Dalka gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 5, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo maanta kormeeray Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhisayo qeybta Kubadda Kolleyga Garoonka oo ay ka muuqato bur bur lixaadleh oo ka soo gaaray colaadihii dalka ka dhacay.

Kormeerka Wasiirka Cayaaraha oo ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda Xiriirada kala duwan ee isboortiga, kuwaasi oo soo indha indheeyay qeybta kubadda kollayga ee Tuulada Cayaaraha Dalka.

Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha kubadda Kollayga Cabdullaahi Nuur Cadaani ayaa sheegay in xiriirkooda uu diyaar u yahay dib u dhiska garoonka, ayna ku qaban doonaan tartamo isboorti.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan iyo Saciid Qoorsheel Wasiir hore, isla markaana qeyb ka ah bahda isboortiga ayaa si wada jir u tilmaamay in garoonku uu u baahanyahay in laga wada qeyb qaato dhismahiisa.

La taliyaha Madaxweynaha Dalka ee arrimaha cayaaraha Maxamed Xuseen Haaddi  oo si kooban uga sheekeeyay taariikhda Tuulada Cayaaraha ayaa sheegay

“Garoonkan ama Tuulada Cayaaraha qorshaheeda waxaan bilownay 1976-dii, shirkii guddiga Olombiyada ee Riyaad lagu qabtay, taasi oo si geesinimo leh aan ku ogolaanay, markii la yiri, Yaa qabanayo cayaaraha Olombikada ee Jaamacadda Carabta?, baannu niri anaga ayaan qabaneyno haddii xoogaa dhaqaale nalagu caawinayo oo geesinimo ah, tiina waxa ay keentay in 21 dowladood oo Jaamacadda Carabta ah inay soo ogolaadaan inay ka soo qeyb galaan, waana tiradii ugu badneyd ee timaada dalka”. Ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska garoonka, gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga.

“Waa meeshii ugu horeysay ee ay bilad dahab ku qaadatay Soomaaliya, garoonka waa la dhisi doonaa, waxaana ku dhiseynaa barnaamijka Isxilqaan, Wadankan Isxilqaan ayaa lagu dhisay gacan shisheeye laguma dhisin, anagana kan Wasaarad ahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynaa”. Ayuu yiri Wasiirka Cayaaraha Dalka.

                 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Suuriya

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee Israel ay ka waddo gudaha Dalka Suuriya,…

Caalamka
December 13, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u mahad-celiyay Maamuladii iyo dadkii ka qeyb qaatay Gargaarka Beled-weyne “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-Xiggeenka Maamulkaasi Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay…

Wararka
November 18, 2019

Xulka Talyaaniga oo u soo baxay Final-ka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Muqdisho (SONNA)- Xulka Talyaaniga oo u soo baxay Final-ka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020. Xulka Ku badda Cagta…

CaalamkaCiyaaraha
July 6, 2021

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guud ee labada aqal

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee…

GudahaWararka
March 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023