Muqdisho-(SONNA)-Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan C/laahi Maxamed (Kaniif) oo ay wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Howlaha Ciidanka Boliiska S/guuto Maxamed Maxamuud Maxamed (Gen.Garaar) iyo Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka Ciidanka Boliiska S/Guuto Axmad Xasan Maalin ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta qaybta guud ee ciidanka nabad gelyada waddooyinka gobolka Banaadir.
Saraakiishan ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Taliyaha Qeybta Guud ee Nabad-gelyada Waddooyinka gobolka Banaadir G/le dhexe; Muuse Maxamed Xasan (Muuse Kheyr ) isagoo sheegay in uu koror ku yimid shilalka gaadiidka ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Taliyaha Qeybta Guud ee Nabad-gelyada Waddooyinka G/le dhexe ; Muuse Maxamed Xasan ayaa qeexay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay sameeyeen tirakoob ku aaddan shilalka ka dhaca magaalada Muqdisho iyo waxa u badan ee sababa.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska S/Guuto; Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaan ku bogaadiyay saraakiisha qeybta guud ee nabad gelyada waddooyinka Isbeddelka fiican ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in darawallada gaadiidka la faro in ay raacaan sharciga nabad gelyada waddooyinka loona sameeyo wacyi gelin ku aaddan wadda marista.