Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga doorashooyinka Dalka+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga doorashooyinka Dalka+Sawirro
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga doorashooyinka Dalka+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 21, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee so diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.”

Madaxweyne, Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan ku guuleysanay xoojinta wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna, iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan Baarlamaannadii hore.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh, Cabdirixmaan, halka Hoballada Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin.

  

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Ceelbarde ee gobolka Bakool

Muqdisho,(SONNA):-Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday,qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka…

GudahaWararka
January 18, 2024

Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Yugaandha

Kampala-(SONNA)-Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed…

GudahaWararka
April 25, 2023

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU DHAWAAQAY BAROOR-DIIQ QARAN OO LAGU MAAMUUSAYO RAIISUL WASAARE NUUR CADDE

Muqdisho:(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u…

Wararka
April 1, 2020

Shir sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo lagu wado in maanta lagu soo gabagabeeynayo Muqdisho+ Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad galay shir sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo weli ka socda Muqdisha, kaas oo looga dooday sidii loo heli…

GudahaWararka
January 27, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023