Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)
MaqaalladaWararka

Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)

By Bile
Last updated: February 2, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada khawaariijta, iyadoo madaxdu ay falanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Hadaba waxaan halkan ku dul istaageynaa afar qoddob oo guud ahaan soo koobaya natiijadii ka soo baxday shirka afar-geesoodka ee Soomaaliya iyo dalalka safka hore:

Dadaallada dowladda ee dowlad dhiska iyo soo afjaridda Khawaarijta

 Shirka ayaa lagu bogaadiyay dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah khawaariijta Al-shabaab, waxaa la isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadi goobayo oo lagu burburinayo Al-shabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeeduna tahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.

Waxaa sidoo kale Madaxda ayaa isla qaatay In la tixgeliyo madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya taas oo muuhim ah wadajirka umadda Soomaaliyeed, waxa aynu madaxa si weyn u amaaneen dowaladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen jirid u siibidda Khawaarijta Al-shabaab, taasoo madaxdu sheegeen in Africa ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada laga siiyo Dowladda Federalka Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jirto xoreynta dalka.

Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada. Waxaa la codsaday in saaxiibbada caalmiga ah inay Soomaaliya ka taageeraan dadaallada xasilinta ah ee ka socda goobaha dhawaan la xoreeyey si loogu fududeeyo Dowladda Soomaaliya sidii ay kor ugu qaadi lahayd gaarsiinta adeegyadeeda deegaannadaas.

Howlgallada Ciidanka Qaranka iyo Wacdaraha furimaha dagaalka

 Ciidan xoogga dalka oo bari ahaan jiray mid kamid ah ciidamada qaaradda afrika kuwooda ugu awoodaha badan marka laga eego tababarkooda, tayadooda iyo saanadda ciidan oo ay ku qalabeysnaayeen ayaa burburkii dalka ka dhacay waxaas oo dhan la tagay balse nasiib wanaag dhowr iyo soddon sano kadib waxaa soo muuqday fariimo u wanaagsan dadkeenna iyo dadyoowga Caalamka kadib howgallada ka dhanka ah khawaarijta ee furimaha dagaalka, taas oo soo jeedisay dalal badan oo ay ku jiraan kuwa safka hore.

Madaxda ka qeyb ka gashay ayaa bogaadiyey horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo casriyeynta ciidanka qalabka sida, waxaa la xusay horumarka la taaban karo ee ciidamdu ka gaareen furimaha dagaalka ka dhanka ah khawaarijta saareen khawaarijta Alshabaab. Madaxda ayaa soo dhaweeyey codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda ciidamada.

Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii tagay  u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in khawaarijtu tahay koox argagaxiso ah oo carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka. Safiirka Soomaaliya u fadhiya  Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saran xili dowaladdu kooxda ka saartay gobollo badan.

Hadaba shir madaxeedkii shalay ayaa amaanay horumarka laga sameeyey awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023. Waxaana madaxdu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo Istaraatiijiyad adag oo ka dhan ah Khawaarijta.

Wadajirka Dowladdaha Geeska Afrika ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

 Wadajirka dalalka safka hore ayaa loo arkaa in ay kamid tahay tabaha ugu wanaagsan ee khawaarijta gaarsiin kara dhamaad aan soo laabasho laheyn, hadaba waxaan dul istaageynaa dhowr qoddob oo si gaar ah loogu hadlay shirkii shalay ee Soomaaliya iyo madaxa safka hore ee dalalka dariska ah, waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Madaxda ayaa isku raacday hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.

Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo, iyadoo carrabka loogu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha nidaam isku xiran oo lagu sugo amniga xudduudaha kaas oo loola danleeyahay in lagu ciribtiro argagixisada isaga gudubta xudduudaha, laguna xaqiijiyo ganacsi sharci ah oo isu gudba.

 Ugu dambeyn, marka la isku soo uruuriyo nuxurka ugu muhiimsan ee shir madaxeedkii shalay ka qabsoomay magaalada muqdisho ayaa diray dhowr fariin kuwaas oo kala ah: In wadajir ay dalalka afrika ku wajahaan dhan kasta oo loo arko in caqabad ku tahay nabadda iyo horumarka  Gobolka. Si horumarka gobolka loo xaqiijiyo waa in  si wadajir ah loola dagaalo khawaarijta Alshabaab loona siibo jiridda si nabadda isku socodka  gobolka loo sahlo. In Soomaaliya xooggan la helo ay ku xiran tahay ku garab istaagga dowladda ee sidii looga qaadi lahaa in cuna qabateynta hubka,

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Marxuum Qoraa sare Ciise Faarax

Muqdisho(SONNA):- Ilaaheey ha u naxariistee Marxuum Ciise Faarax waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1948-kii, waxa uuna Marxuum Ciise…

GudahaMaqaallada
May 7, 2023

Wasiir Al-caddaala oo qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga Bariga Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta…

GudahaWararka
November 12, 2025

Madaxweyne Xasan Sh. ‘Hoggaamiye dhab ah’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 1, 2024

Taliyaha ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya Francesca Di…

GudahaWararka
October 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023