Dimishiq-(SONNA)-Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday Dimishiq danjire, Abiib Muusa Faarax ayaa warqadahiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, dalka Suuriya, Mudane Asad Xasan Al-Shiibaani.
Danjire, Abiib iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.