Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC
GudahaWararka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

By SB
Last updated: November 14, 2025
3 Min Read
Share

Kampala(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay shixnad…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibna dilay Taliye koox. Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan…

GudahaWararka
March 25, 2025

Wafdi ka socday Gaashaandhigga XFS oo lagu soo dhoweeyay Safaaradda Soomaalida ee Jarmalka

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐀𝐬𝐢𝐬 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 ayaa xarunta safaaraddaasi ku soo dhoweeyay 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚…

Gudaha
May 15, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku…

GudahaWararka
January 8, 2026

Ciidamada Xoogga Dalka oo ka hor-tegay dhagaro argagixisada damacsanaayeen

Muqdisho.(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ka samaeeyay deegaannada Bacadka Faarax Aadan…

GudahaWararka
February 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023