Muqdisho (SONNA): Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa (COMESA) oo la xiriira hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM), taaso Soomaaliya ka dhigtay dalkii u horreeyay ee martigelinaya aqoon iswaydaarsigan.
Waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Wasaaradaha bahwadaagta ah ee Dawladda Federaalka ee kala ah: Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Ganacsiga, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Jaamac Cumar oo aqoon iswaydaarsigan furay, ayaa sheegay inay Soomaaliya xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika , isagoo markaa sheegay inuu Dalka muddo kooban ka mid noqday waddamada ugu horreeya ee dhinaca duulista Hawada.
Maareeyaha guud ee Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa dhankiisa sheegay in horumaridii u dambeeyay ee la sameeyay inay fududeeyeen Soomaaliya inay xoojiso doorkeeda hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.
“ Dalkeenna Duulista Hawada , wuxuu ka jooga horumar tusaale noqday.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin intaa ku daray “ Aqoon iswaydaarsigan wuxuu Soomaaliya u u diyaarinayaa ka faa’iideysiga Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.”
Aqoon is-weydaarsiga oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa socday labo maalin waxaana soo qabanqaabiyay barnaamijka Taageerada Horumarinta Gaadiidka Cirka (SATSD) ee Bariga Afrika, Koonfurta Afrika iyo Gobolka Badweynta Hindiya (EA-SA-IO).