Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka
GudahaWararka

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 20, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo maanta ka furmay magaalada Dubai.

Shirkan oo la qabto afartii sanaba mar, waxa uu dalalka adduunka siinayaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeeyaan isticmaalka hirarka raadiyaha iyo wareegyada dayax-gacmeedka.

Wasiir Jaamac Khaliif oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka Shirka, ayaa yiri, “ka qeyb-galkeenna waxa uu ka tarjumayaa sida ay nooga go’an tahay in aan hubinno isticmaalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iskaashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo ka hadlay shirka ayaa yiri, “Ka qeybgalkeenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra’yigeena, isku-dhaafsanno aqoon iyo khibrad, isla markaana gacan ka geysaneyno qaabeynta mustaqbalka maaraynta hirarka ee heer caalami,” isagoo intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaariyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya.

Wafdigaan uu hoggaaminaya Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddada uu socdo shirka waxa ay ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa’ideysanayo isticmaalka hirarka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

DOORASHADA DALKA MEELO KALE AYAA LAGA CARQALADAYNAYAA SHACABKA SOOMAALIYEEDNA ARINTAASI WAY OGYIHIIN.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka  Xasan Xundubey Jimcaale oo ka warbixinaya shirkii Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay,"IN DOORASHADA…

Wararka
March 5, 2021

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgal ka dhacay Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare

Muqdisho(SONNA): Mid ka mid ah Horjoogayaasha Khawaarijta ayaa lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada…

GudahaWararka
May 23, 2023

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la kulmay maamulaayasha xarumaha xanaannada carruurta “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Kulan Isbarasho iyo xog is waydaarsi ah oo uu soo diyaariyay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Qeybta Waxbarashada Caruurta ee…

GudahaWararka
October 21, 2021

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo lagu Baadi-goobayo Khawaarijta ka wada Degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Sh. dhexe.

Muqdisho (SONNA)-Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka iyo Kuwa Xoreynta Deegaanka, ayaa howlgallo lagu baadi-goobayo Firxadka Khawaarijta Alshabaab Kawada Degmadda Ruun-nirgood ee…

GudahaWararka
December 22, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023