Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo dhaqaale ku garab istaageysa Walaalaha Turkiye (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo dhaqaale ku garab istaageysa Walaalaha Turkiye (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaMuuqaallo

Soomaaliya oo dhaqaale ku garab istaageysa Walaalaha Turkiye (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 18, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Inta aan u guda galin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi ย oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay, waxaaana ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay dawladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu qarankii Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyoย ย  colaad bishi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada hoose , markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar , awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Raโ€™iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta, waxa uu ahaa ficil dareenkiisaย  leh, Imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya, sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, iyadoo Quwadaha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkigaย  oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Haddaba markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, โ€œwaana la qeybsaneynaa murugadaโ€ ย ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaanaย Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Raโ€™iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaaโ€™udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah, waxaa kaloo eeย u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay dhibaatada ku dhacday Dalka turkiye waxaa ka mid ah Wasiir Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir oo ka hadlaayay kaalinta uu Dalkaasi ka soo qaatay gurmadka Shacbiga Soomaaliyeed ayaa yiri:- “Dalka Turkiga waxa uu noo galay abaal weyn waxaana shacabka Soomaaliyed looga bahanyahay abaal midkii lamid ah.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, kaasi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre,ย waxaana bilowday ololaha dhaqaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilowday hal Milyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiyeย  iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay tรผrkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safiirka ย Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna yiri โ€œWaxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkaโ€.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, waxaan mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, kaasi oo ay ka qeybqaadan doonaan dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba, taasi oo la filaayo inay ka badnaato lacagta hadda la qoondeeyay.

Qallinka C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliye Sahal oo Rwanda uga qaybgalay shirka Taliyaasha ciidamada dhulka ee dalalka Afrika

Kigali (SONNA): Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika oo ka dhacay magaalada Kigali…

GudahaWararka
October 22, 2025

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Masโ€™uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa codsaday in Wasaaradda caafimaadka DFS,dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaalida ee ku…

Gudaha
August 16, 2024

Wasiir Maareeye oo soo xiray kulan lagu dhiirrigelinayo tacbashada beeraha

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo…

GudahaWararka
January 7, 2025

Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga mamnuucay agagaarkaย garoonka Aadan Cabde

Muqdisho(SONNA);-Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegatay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) laga mamnuucay isticmaalka…

GudahaWararka
October 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023