Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo
    May 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo Bilaabaysa Weerarkii 2-aad ee ka dhanka ah Al-Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo Bilaabaysa Weerarkii 2-aad ee ka dhanka ah Al-Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Soomaaliya oo Bilaabaysa Weerarkii 2-aad ee ka dhanka ah Al-Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 31, 2023
5 Min Read
Share

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray Al-Shabaab dabayaaqadii sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya waxay bilowday duulaankii ka dhanka ahaa kooxda xagjirka ah iyadoo hadafkeedu yahay in laga saaro gobolada dhexe iyo koofurta dalka.   “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa waxaa laga faa’iidaysan doonaa waaya-aragnimadii ay ka heleen duullaankii koowaad si ay wejiga labaad ee hawlgallada uga sii miro dhaliyaan”, ayuu yiri Madaxweynuhu. “Waxaan leenahay khibrad ka badan markii aan galnay dagaalka Galmudug iyo Hirshabeelle,” Mudane Maxamuud ayaa yiri sannadkan markii uu dhammaaday weerarkii ugu horreeyay. “Waxaan baranay xeeladaha al-Shabaab. Niyadayadu waxay noo sheegaysaa inaan ka adkaan karno iyaga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii bishii March ku dhawaaqay duulaanka cusub. Askarta Soomaaliyeed iyo xulafadooda qabaa’ilku waxay ka faa’iidaysan doonaan khibraddii ay ka heleen weerarkii koowaad si ay uga dhigaan wejiga labaad ee hawlgallada mid aad u wanaagsan, ayuu yidhi madaxweynuhu.

” Ugu dambayntii, istaraatiijiyaddan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro tobannaan sano oo rabshado ah oo khalkhal geliyay nolosha jiilasha Soomaalida, waxaana Weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Al-Shabaab ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ee ku hareeraysan caasimadda dalka ee Muqdisho.   Intii uu socday weerarka, Agoosto 2022-kii ilaa Janaayo 2023-kas, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoreeyay 70 Deegaan iyo Magaalooyin sida Raage-Ceel, oo ah tuulo ay dadka deegaanka ku biireen dagaalka Ciidanka Xoogga Dalka bishii Agoosto ee la soo dhaafay ka dib 13 sano oo ay maamulayeen Al-Shabaab. “Dadku waxay ku noolaayeen silic,” Maxamuud Cadow oo ah Odey 80 jir ah, oo tuulada ku nool oo hubka qaatay, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

Weerarkii ugu horreeyay ayaa waxaa lagu soo celiyay seddex meelood meel  dhulka ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Waxay kaloo lagu dilay in ka badan 3,000 oo ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda, iyadoo lagu dhaawacmeen in ka badan 3,700 oo kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa tababar iyo hub ka helay saaxiibo caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, iyo ATMIS oo ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa ku nuux-nuuxsaday in Askartooda ay hogaaminayaan weerarka iyaga oo kaashanaya dagaalyahano ka soo jeeda Deegaanada kana soo horjeeda Al-Shabaab. “[Al-Shabaab] waa idin hortaagan yihiin, askar Soomaali ah oo aad u tababaran, oo dagaal adag, oo dagaalka u qaaday dhanka jiidaha hore,” Kamaal Daahir Xasan Guutaale, oo ah la taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre ayaa u sheegay Codka Mareykanka. .

“Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda waxay suurta galiyeen dhammaan guulahaas ay gaareen ciidamadeenna ammaanku muddo aad u yar.” Guutaale ayaa meesha ka saaray hadal ka soo yeeray horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa in weerarkii ugu horreeyay uu ku fashilmeen howshii loo igmaday. “Ha soo wajaho iyaga,” Guutaale ayaa yiri, isaga oo ku dhiiranaya hoggaamiyaha argagixisada in uu wajaho Askarta Soomaaliyeed. “Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan Shan Boqol oo Kiilo Mitir (500 oo kiilomitir), welina way ku daba jiraan.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guulihii ugu dambeeyay ay sabab u tahay, qeyb ahaan, falalka kooxda xagjirka ah, taas oo ka careysiisay dadka ku nool gobollada ay ka taliyaan.“Iyadoo abaarta aan dhammaadka laheyn ay sii korortay horraantii xagaagii 2022-kii, al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida waxay ka falcelisay si naxariis darro ah,” ayay qortay Vanda Felbab-Brown oo ka tirsan Machadka Brookings. Iyadoo abaarta iyo culeyska dhaqaale ay kordheen, Al-Shabaab waxa ay wadeen cadaadiska dadka “canshuurta ama Baada” si ay u taageeraan howlgalladooda.

waxaa wali sii socdo duulaanka ay hogaaminayaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, dowladdu waxay siisaa maleeshiyo beeleed taageero saadka, saanad, cunto iyo daad gurayn caafimaad. Qabiiladu, waxay isku xiraan Ciidanka iyo dadka deegaanka, waxayna muujinayaan in yihiin qaybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u soo jeesteen la dagaalanka Al-Shabaab, sida ay sheegtay Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.“Ciidamada Soomaaliya iyo xulafadooda ayaa al-Shabaab ka xoreeyeen bulshada”, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay xasilinta iyo keenista adeegyada bulshada deegaanadaas si looga hortago isku day kasta oo kooxaha xagjirka ah ay ku soo laabanayaan.

 

Warbixintani waxaa daabacday African Defence Forum (Madasha Difaaca Afrika ee Maraykanka)

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Qaranka oo markii ugu horeysay ka qeyb galeya carbis Milatary oo ka dhacaya dalka dibadiisa

Muqdisho, (SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa hadal u jeediyay Ciidaada sida gaarka u tababaran, kuwaas…

GudahaWararka
February 22, 2024

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Maxamed…

GudahaWararka
August 28, 2023

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan…

GudahaWararka
April 5, 2023

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Muqdisho(SONNA);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti,…

GudahaWararka
October 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023