Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
EnvironmentGudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 1, 2025
11 Min Read
Share

Inta badan Dunida waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo kordhaayay Abaaro, Daadad, Fataahado iyo wixii la mid ah, kuwaasi oo halis galiyay hab nololeedka iyo jiritaanka Bini’aadamka, waxayna sababeen Barakac baahsan oo ku dhaca meelihii ay asiibeen, waxaana ka mid ah Soomaalida.

Soomaaliya waxay leedahay cimilo u dhaxeysa yara-oomane iyo oomane. Muuqaallada ugu muhiimsan cimilada jirta waa xilliyo qoyan iyo kuwa engegan iyo jiritaan la’aanta wax weyn oo isbedel heerkul xilliyeed ah. Roobku waa waxa ugu muhiisan jawiga (meteorological) oo saameeya nolosha gudaha Soomaaliya. Waa waxa qeexaya sifaalaha cimilada iyo kala duwanaansho weyn leh xag masaafad iyo waqti. Isbedelka muuqda xilli ka xilli iyo isbedellada jira isla xilliyada dhexdooda waa waxa dhaliya guulaha ama guldarrada waxqabadyada Beereed.

Sannadku wuxuu u qeybsamaa afar xilli sida soo socota:-

Jilaal: waa diirimaad, qoraxeed, iyo xilli engegan laga bilaabo Disembar ilaa bartamaha Maarso.
Gu’: Xilli roobaadka ugu muhiimsan oo ka bilowda bartamaha Maarso oo sii socda ilaa Juunyo.
Xagaa: waa qabow, engegan, yara daruureeya oo ka bilowda Luulyo siina socda ilaa bartamaha Sebteembar; qaar ka mid ah goobo cimilo ee jiidda xeebta koonfureed iyo gudaha Gobollaada Waqooy Galbeed waxay helaan qadar roobab macnaleh ah.
Deyr: xill roobaadka labaad, oo ka bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar.

Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan caalamka, uuna halakeeyay dagaal, balse waa mid “wax laga qaban karo”, sida uu sheegay sarkaal sare ee cimilada.

Dalka ayaa waxaa halakeeyay dagaal in ka badan 30 sano oo ay isku dhacyo socdeen – waxaana ka mid ah kooxo Argagixiso ah, iyo dagaallo kuwo qabaa’il oo dhowr ah, balse mid ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa isbeddelka cimilada ku tilmaamay “mid dhibka sii labalaabta”, sababtoo ah waxay dab ku sii shideysaa xaaladda markaa jitra iyadoo sii dheereyneysa xaaladda dalalka nugul sida Soomaaliya.

Saameynta ugu daran waxay gaartay Beeraha. Soomaaliya ayaa weli ah dal dhaqaalihiisu aad ugu tiirsan yahay dhinaca Beeraha, iyadoo seddex meel ka labo bulshada ay ku tiirsan yihiin Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha.

Sanadkii 2022-kii dalka ayaa wuxuu wajahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah – xaalad ay saynisyahannadu ku sheegeen in 100 jeer laga yaabo inay sababtay isbeddelka cimilada ee aadmigu sababay.

Abaartaas ayaa Beeralleyda iyo xoolo-dhaqatada ka dhigtay kuwo isku dagaala helidda biyaha iyo daaqsinka. Odey Soomaaliyeed ayaa yiri:- “mararka qaar wuu ku qasbanaa inuu dhulkiisa ku difaaco qori”.

Abaartuna ma aha dhibaatada keliya ee halkan ka jirta. dhowr Sano Soomaaliya ayaa wajahday daadad ba’an oo sababo la xiriira Roobab iyo Fatahaado ay saynisyahannadu ku sheegeen in si la mid ah ku luglahanshaha Isbedelka Cimilada Adduunka ay sabab u yihiin.

Halista seddex jibaaran ee isbedelka cimilada, colaadaha, Abaaraha iyo xaaladaha deg degga ah ee caafimaadka: Waxay khatar badan oo isku dhafan ku tahay dadka ugu nugul oo ku sugan goobaha khatarta ah. Isbedelka cimilladu ma aha khatar fog. Waxay durba si weyn u saameysay dadka nugul ee adduunka oo dhan. Gaar ahaan, cimillada isbedbedesha ayaa cawaaqib xun ku yeelanaysa dadka la nool xaaladaha colaadaha iyo kuwa aan helin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, sida ay qortay Hey’adda Laanqeyrta Cas ee Adduunka.

Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Laheyn (MSF), Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyo Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxay si dhow ula shaqeynayaan bulshooyinka ku nool dalalka ay isgu darsantay is-bedelka cimillada, colaadaha hubaysan, iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaadka ayaa ah xaqiiqo murugo leh.

25-ka dal ee ugu nugul isbedelka cimillada uguna yar tahay in ay la qabsadaan ayaa badi waxa ay sidoo kale la kulmaan colaadaha hubeysan. In badan oo ka mid ah goobahan, dadku ma helaan daryeelka caafimaadka aas aasiga ah. Marka dhibaatooyinka cimilladu ka dhacaan dalalka ay ka jirto cunno iyo biyo yari, iyo ilo dhaqaale oo kooban ayaa waxaa khatar galaya nolosha dadka, caafimaadka iyo hab-nololeedka.

“Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay la soo darsay abaaro iyo daadad aan la saadaalin karin, taas oo uga sii dartay xaaladda bani’aadamnimo oo aad u liidatay oo ay sii cakirneyd soddon sano oo colaado hubeysan ah. Dadku waxay haystaan ​​waqti xaddidan oo ay kula qabsadaan sababta oo ah dhibaatooyinka waa kuwo soo noqnoqda oo aad u daran”, sida ay ICRS warbixinteeda ku sheegtay.

“Samafaleyaal ahaan, waxa dareen na galiyey xaqiiqda hadda jirta iyo odoroska mustaqbalka. Waxaan aragnaa abaaro, daadad, cayayaan farabadan iyo isbedellada roobabka kuwaas oo dhammaantood khatar gelin kara wax-soo-saarka cuntada iyo habka ay dadku u badbaadaan. Waxaan aragnaa dhacdooyin cimilo oo aad u daran oo ka xoog badan sida duufaanno burburiya kaabayaasha caafimaadka ee muhiimka ah. Waxaan aragnaa isbedellada cudurrada dilaaga ah sida malaariyada (duumada), caabuqa dengue iyo daacuunka. Colaadaha iyo rabshaduhu waxay kordhiyaan baahida loo qabo gargaar caafimaad oo degdeg ah iyagoo sidoo kale xaddidaya awoodda xarumaha caafimaadka”, ayay sii raacisay.

Xaaladahan oo dhan waxay ka dhacayaan adduun diiramaadkiisu gaaray 1.2 darajo oo ka sarreysa heerarkii xilligii warshadaha ka hor, iyada oo aan markhaati ka nahay sida ay kuwa ugu nugul adduunku ay halis ka soo gaarayso dhibaato si xad dhaaf ah u sababaan dalalka ugu qanisan adduunka. Diirimaadka dheeraadka ah waxa uu horseedi doonaa cawaaqib xun haddii aan si degdeg ah oo go’aan adag leh loo qaadin tillaabooyin lagu dhimi karo iyo in taageero ku filan loo abaabulo dadka iyo wadamada sida aadka ah u saamaysay si ay ula qabsadaan khataraha cimillada sii kordhaya.

“Maanta, baahiyaha ayaa durbaba ka sarreeya jawaabta. Tani waa qalalaase loo midoobo, waxayna hadda fursad u siinaysaa qalalaase kala sooca xumaan iyo samaan. Dunidu taageero la’aan kama tagi karto kuwa la kulma cawaaqib xumada ugu daran,” ayuu yiri Stephen Cornish, Agaasimaha Guud ee MSF Swiserland.

Taageerada maaliyadeed iyo mid farsamo waa in ay gaarto dadka aadka ugu baahan kuwaas oo aan u dhaceynin heerkii loo baahnaa. Ballanqaadkii Heshiiskii Paris ee ahaa in la kordhiyo taageerada dalalka ugu yara horumarsan ayaa ku guul daraystay in ay garowsadaan in tiro badan oo iyaga ka mid ah ay sidoo kale saameeyeen colaadaha oo ay tahay in mudnaanta la siiyo. Ilaa hadda, ballan-qaadyada lama fulin, si loo dhimo qiiqa kaarboonka iyo taageerada dalalka ay la kulmaan saameynta ugu weyn.

“Waxaan aragnaa saamaynta is biirsatay ee khataraha cimillada sii kordhaya iyo colaadaha hubaysan laga soo bilaabo Afgaanistaan ​​ilaa Soomaaliya, Maali ilaa Yaman. Shaqadayada meelahan waxay dadka ku caawisaa in ay si wax ku ool ah ula macaamilaan dhibaatada cimillada. Laakiin hawl-wadeennada ku hawlan arrimaha bani’adamnimada kama jawaabi karaan kaligood caqabadaha faraha badan. Haddii dalalka aadka u jilicsan loo helin taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo go’aan adag leh, dhibaatadu waa ka sii dari doontaa,” ayuu yiri Robert Mardini, agaasimaha guud ee ICRC.

Dhinaca kale meelo badan oo dalka ka mid ah waxaa jiro dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Bacaadka, magaalooyinka xeebaha leh ee dalka si guud ayey u saameeyey Bacaadka.
Bacaadka meelaha uu sida weyn u saameeyey waxaa ka mid ah magaalooyinka Kismaayo, Baraawe, Ceeldheer iyo Hobyo waa sida ay ka dhawaajisay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka warbixineysay waxyaabaha keeno Isbadalka Cimilada.
Warbixin ay soo saartay UNDP ayaa lagu sheegay in Tuulada Qabooley, ee Soomaaliya oo ay abaaruhu aad saameeyeen waxaa ka dhacay dagaal halis ah oo ka sabay biyo-yari, arrintaas oo dadka ku dhaqan deegaanada ku hareeray Qaboolay ka dhigay dad cadow isku ah, Laakiin wadahadal iyo dib-ushesiin ay ka shaqeeyeen odayaasha ayaa suuragelisay in ay nabad ku wada noolaadaan. Arrintaan ayaa caddeyn u ah in saameynta isbedelka Cimilada iyo Colaad, si qoto dheer isugu xiran yihiin, iyo sida si wadajir ah loogu wajahayo.
Gobolka Awdal iyo Saamaynta Abaaraha.
Golaha Wasiiradda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku yaboohay lacag dhan $500,000, taas oo looga qayb qaadanayo Shacabka gobolka Awdal oo ay saameeyeen abaaraha, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid xukuumaddu ugu talagashay in lagu caawiyo dadka ay Abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal.
Tallaabo taa la mid ah ayuu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan ee Gobolka Awdal, wuxuuna sheegay in Maamulkiisa iyo shacabka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda, isagoo xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaan loogu baaqayaa hoggaamiyeyaasha adduunka in ay ka soo baxaan ballanqaadkooda heshiiskii Baariis iyo Ajendaha 2030-ka iyo in la hubiyo in dadka nugul iyo dadka ay colaaduhu saameeyeen si ku filan loo taageero, si ay ula qabsadaan cimillada isbed-beddeleysa. Waa in si wadajir ah xal ugu helno oo la  hubiyo helitaanka dhaqaale loogu talagalay cimilada oo ku filan oo looga hortago bii’ada. ‘In dadka laga tago ma ahan ikhtiyaar’.

By. Abdullahi Hussein Alasow (Ruush) Senior writer working at the Agency (SONNA) in the Articles, Comments and Reports Section

Email. abdullahih31@gmail.com

Tel. 252615990466

         252625990466

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah…

GudahaWararka
July 12, 2023

Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga oo gaaray heshiis iskaashi

Ankara-(SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed oo uu wehliyo Aggaasimaha xiriirka arrimaha dibedda maamulka Gobolka…

GudahaWararka
July 25, 2023

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya

Addis Ababa (SONNA): Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo ka qeybgalaya shirka Golaha fulinta…

GudahaWararka
February 11, 2025

Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu…

GudahaWararka
October 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023