Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: February 20, 2026
7 Min Read
Share
Muqdisho.SONNA…- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, oo ka dhacay Madaxtooyadda Qaranka, kaas oo looga hadley arrimaha masiiriga sida doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, abaaraha iyo dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii xukuumaddu ay u fidaisay 19 bishii Jannaayo 2026.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani, iyagoo diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay in ay u naxariistaan dadkeenna ay abaartu saamaysay.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi,waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika,isagoo carrabka ku adkeeyey fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga.
9- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
10- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan, isagoo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka tartanka.
11- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaliya Hameed Nuru, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta maamulka biyaha iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha.
12- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada,kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.
13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali oo ah Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.
14- Wasiirada Gaashandhiga ,Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kormeer ku tagay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo dib-u-dejin rasmi ah u sameeyeey qoysaskii ay horey uga barakiciyeen kooxda Khawaarijta degaannada.
15- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyadoo kulanka looga hadlay dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee ka jira Soomaaliya.
16- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.
17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga tilmaamay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.
18- Wasiirka Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in dalka Turkiga laga soo sagootiyay Markabka Cagri Bey, oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
19- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo a diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka.
20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac. ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Axmed Diiriye.
21- Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, iyagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
22- Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
23- War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga sharci darrada ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay gobolka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya , iyagoo mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
24- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey madaxda amniga iyo socdaalka ee Dowladda Soomaaliya go’aankii lagu ansixiyey naqshadda iyo daabacaadda Baasaboorka cusub ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee Soomaaliya.
25- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
26- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Kirsten Young oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
27- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jarmalka, Mudane Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah loogu guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ee dalka Hungary.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo qaadanayso 3,000 oo macallin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay in ay qaadaneyso 3,000 oo Macallimiin cusub ah, shaqadaas waxaa soo…

GudahaWararka
August 14, 2024

Dowladda FS oo bilowday calaamadeynta rasaasta si loo xakameeyo hubka

Muqdisho (SONNA): Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb…

GudahaWararka
November 25, 2024

Kumaandooska Xoogga dalka oo jab wayn u gaystay maleeshiyada argagixisada

Afgooye-(SONNA)-Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka oo Maleeshiyaad Ka tirsan,Al-Ashabaab Ku dilay gobolka Shabeelada hoose,Kadib howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka…

GudahaWararka
November 30, 2020

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin…

GudahaWararka
August 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023