Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 25, 2025
8 Min Read
Share

Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : arโ€Ž) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo ah oo haysa labo ilaa toddobo maalin, waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata, wuxuu wataa xaglo (kala goysyo) xanuun badan, u dhimashada cudurkaan ayaa aad u yar, qiyaastii 1000kii hal ayaa u dhinta hadduu alle qadaro, dadka da’da ah ayaa u dhinta badanaa.

Magaca xanuunka “Chikungunya” asal ahaantiisu waa luqadda Sawaahiliga, macnihiisuna waa: “qallooc u socod”, qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis. xanuunkan ayaa ka yimaada kaneecada loo yaqaan (Aades ุงู„ุฒุงุนุฌุฉ ุงู„ู…ุตุฑูŠุฉ) ama qaylisooy. cudurka ayaa laga helaa wadamada Maraykanka , kariibiyaanka, Maksiko iyo wadama ku teedsan xeebaha Bariga afrika, Xanuunkaan ayaan lahayn ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecadaasi.

Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab’iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan, si uu uga fogaado halista fuuq baxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!. Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro, waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol Daaqadaha iyo Albabaha u furan yihiin.

Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqdhaqaaqana wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.

Kaduudiyuhu muxuu kaga duwanyahay Rift Valley iyo qandhada Dengue?.

Inkastoo seddaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano “Aedes”, laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan laheyn dhiig-bax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiig-bax, tanoo qofka u dhiman karo. balse Xanuunka Kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa? Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaasi, waxayna jawaabtu qaadataa Usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.

Goormuu Kaduudiyaha soo ifbaxay?

Waqtigii uu soo bilowday la iskuma raacsana laakiin waddanka ugu horreeyay ee laga helay Virus-ka ayey suโ€™aalo ka taagan tahay weli oo qoloba meel kuu sheegaysaa, tusaala hayโ€™adda caafimaadka adduunka ayaa leh in cudurkan la ogaaday 1950-yeedii, lagana helay dalalka Philipine iyo Thailand halka Xarunta CDC ay leedahay Latin Ameica, Koofurta Asiya, iyo jasiiradaha Pacific- uuna si dhif iyo naadir qaarada Mareykan uu uga dhaco.

Cudurkan Kaduudiyaha ayaa markii ugu horreysay inta taariikhda lagu sheegay uu ka dilaacay Soomaaliya,islamarkaana dad uu asiibo ahaa sanadka 1950-yadii, sida lagu garan karo hal-heyska ah ‘ KADUUDIYE KAB GUBATAY HA KAA DHIGO’, taasi oo ku tuseyda inuu mar Soomaaliya soo maray, balse mar kale la arkay sannadkii 2006-dii, waxaana uu ku dhacay dad badan, waxaana haatan uu ku dhacay dad badan, kuwa badan ayaa hadda la jiifa, welina wuu u ciil qabaa.

Haddaba waa maxay Calaamadaha lagu garto?

Caalamado dhawr ah ayaa lagu gartaa Kaduudiyaha, waxa uu leeyaha Qandho aad u daran, taasi oo wayeeleysa dhammaan xubnaha jirka haba uga darnaadeene IsgoysyadaLafaha, dhabarka, qoorta, mur-qaha, iyo madax-xanuun aan wax kale oo lala bar-bar dhigaa aanu jirin.

Maxaa lagu Daweeyaa? Ma jirto daawo rasmi ah oo loo qaato Kaduudiye, mana ahan mid laโ€™isku daarto, waxaa isku gudbiya oo kaliya nooc ka mid ah kaneecada oo ruux qabo inta ay qaniinto, ruux fiyow u gudbisa, balse Nadaafada guud iyo kaneeco in lala dagaalo ayaa ka hortag noqon kara.

Haddaba Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisas cudurka Kaduudiyaha lagu arkay gudaha dalka, gaar ahaan qaar ka mid ah gobollada koonfureed. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Xassan Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in cudurkan uu yahay mid khatar ah oo u baahan ka-hortag degdeg ah, isagoo sheegay in wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin: Kormeer caafimaad oo ballaaran oo laga sameynayo goobaha uu fayrasku ku faafi karo, Wacyigelin bulsho oo ku saabsan sida looga hortago kaneecada, Bixinta daawooyin iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha lagu daweeyo dadka uu haleelo.

Dhinaca kale Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa si rasmi ah u shaacisay in xanuunka Safmarka ah ee Kaduudiyaha uu ka dillaacay Soomaaliya. Kaduudiyuhu “Chikungunya” waa fayras ay faafiso kaneecadu oo leh; qandho badan, kala-goysyada, murqaxaha oo xanuuna & mararka qaar furuuruc jidhka ka soo baxa โ€” ma aha dilaa balse wuxuu dadka dhigaa howlgal maalmo, waxa keliye ee lagu tacaali karaa xanuun-baabi’iye, biyo badan & nasiino, sida ay tilmaantay ‘WHO.

Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Kaduudiyaha (Monkeypox), uu si baโ€™an ugu fiday 119 waddan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. waxayna sheegtay in faafitaankan degdegga ah uu u baahan yahay feejignaan dheeri ah iyo iskaashi caalami ah si loo xakameeyo.

Cudurka Kaduudiyaha, oo ah cudur faafa oo hore loogu yaqaanay qaybo ka mid ah Afrika, ayaa sanadihii u dambeeyay ka gudbay xuduudihii hore, waxaana uu gaaray Qaarado badan, taasoo keentay walaac cusub oo dhinaca caafimaadka ah. Sida lagu sheegay warbixinta WHO, kiisaska la xaqiijiyey ayaa sii kordhaya toddobaad walba, iyadoo waddamo badan ay sheegeen xaalado cusub. Soomaaliya ayaana lagu daray liiska waddamada uu cudurku si rasmi ah u saameeyay, inkastoo tirada saxda ah ee kiisaska dalka laga helay aan la shaacin.

Hayโ€™adaha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu booriyey in ay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada la tacaalidda cudurka, sida wacyigelinta bulshada, ogaanshaha degdega ah ee kiisaska cusub, iyo karantiilka dadka la tuhunsan yahay inay cudurka qabaan, waxayna ku celisay baaqeeda ah ‘in bulshooyinka laga wacyigeliyo hababka uu cudurku ku faafo, kuwaas oo ay ka mid yihiin taabashada tooska ah ee maqaarka qof qaba finan kaduudiya, isticmaalka alaab la wadaagay, iyo xiriirka dhow ee jirka’.

WHO ayaa ku boorrisay dhammaan dowladaha in ay kordhiyaan feejignaanta, lana socdaan kiisaska, ayna qaadaan tallaabooyin ka hortag iyo daaweyn isugu jira, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, islamarkaana WHO waxay ku boorrisay dadka ku nool meelaha halista ah ‘in ay iska ilaaliyaan kaneecada, isticmaalaan Maro-kaneecada, xirtaan dhar jirkooda ka daboola, una soo dhowaadaan xarumaha caafimaadka, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka’.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan shaqo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga & Agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa hoygiisa Muqdisho kulan shaqo kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka…

GudahaWararka
July 22, 2021

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha…

GudahaWararka
August 17, 2025

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo…

GudahaWararka
November 24, 2025

Guddoomiye Madaale oo la kulmay danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay…

GudahaWararka
May 22, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023