Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab
Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 18, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Cabbdulqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbdulqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  8-dii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-kii January ee sanadkan iyadoo Horaantii Febraayo ay Maxkamaddu u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Cabduqaadir iyo Saciid  ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoostegi jireen Dakhare oo isna  dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.

Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo  ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbdulqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28-kii  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Xafiiska xeer  ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska  xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay  jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan   ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan  luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.

Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo  ay ku  dalban karaan Rafcaan

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israel oo  Gaza iyo Lubnaan ku dishay in ka badan boqol ruux

Duqeymaha cirka ee Israa'iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof guud ahaan Gaza Khamiistii. Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa…

Caalamka
November 1, 2024

Tallaalka Covid-19 oo Maanta si rasmi ah uga biloowday Magaalada Xuddur.

Muqdisho(SONNA):-Ololaha Tallaalka Covid-19  oo maanta laga daahfurey magaalada Xuddur waxaa tallaalka goobta dahfurka ku qaatay xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka…

GudahaWararka
April 6, 2021

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Nairobi-(SONNA)-Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ee dalka…

GudahaWararka
February 20, 2025

Safiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan laamaha ammaanka garoommada dalka 

Muqdisho (SONNA):-Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka kenya Mudane Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tababar soo xiray Hawlawadeenno katirsan laamaha Amaanka…

GudahaWararka
December 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023