Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis horumarineed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis horumarineed
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis horumarineed

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan โ‚ฌ 75 milyan oo Euro.

Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C/raxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka, Julia Hanning.

Heshiiskan, oo socon doona muddo labo sano ah oo ka billaabanaya 2026-ka, ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029), waxaana diiradda lagu saarayaa Beeraha iyo nidaamyada cuntada, Waxbarashada, shaqo-abuurka, xirfadaha farsamada (TVET), Biyaha, maaraynta biyo-gelinta iyo u adkaysiga isbeddelka cimillada.

Heshiiskan cusub ayaa wuxuu ka dhashay wadahadallo laba maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen masโ€™uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Dowladda Jarmalka, wuxuuna sidoo kale daba socdaa heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen 2023.

Wasiir Beenebeene ayaa yiri: โ€œIskaashigan wuxuu xoojinayaa mudnaanta NTP, gaar ahaan shaqo-abuurka, adeegyada aasaasiga ah iyo u adkaysiga cimillada”.

Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dalka Jarmalka,Julia Hanning ayaa caddeysay in Jarmalku ka goโ€™an tahay dhiirigelinta barnaamijyo saameyn leh oo kaabaya adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning ay xustay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi dhinacyo badan leh iyo mid saaxiibtinimo oo ka badan 60 sano.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay

China (SONNA)- Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed…

Wararka
January 29, 2020

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Muqdisho โ€“(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Agaasimaha Hay'ada (ICAO)…

GudahaWararka
August 9, 2023

ย  Galmudud oo sheegtay in la joogo waqtigii wax loo qaban lahaa dadka ku barakacay abaaraha

Maamulkaย  Dowlad Goboleedka Galmudug ayaaย  sheegayย  inย  la gaarayย ย  xiliggiiย  loo istaagi lahaa bad baadintaย  naftaย  bini aadamka marka loo…

Gudaha
January 7, 2023

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wakiilka Hayโ€™adda Qaramada Midoobay…

GudahaWararka
April 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023