Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
    May 31, 2026
    Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay
    May 30, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed
    May 30, 2026
    Xildhibaanada la doortay ee K/Galbeed oo maanta la dhaariyay
    May 30, 2026
    Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
MaqaalladaWararkaWaxbarashada

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 11, 2025
3 Min Read
Share

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah, kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdul-Majiid Tebbuun.

Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada, beeraha iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo wadaaga taariikh halgan ah oo ka dhanka ahaa gumeystihii iyo xiriir qotodheer oo ku saleysan aqoonsiga Carbeed iyo Afrikaannimo.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay dib u soo ceshatay kaalinteedii siyaasadeed ee gobolka, halka Aljeeriya ay xoojisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, taas oo horseedday in xiriirka labada dal uu yeesho jihada cusub ee is-faham iyo wada-shaqeyn.

Dhinaca amniga, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga.

Aljeeriya oo caan ku ah waayo-aragnimadeeda dhinaca amniga iyo heshiisiinta Qaran ayaa la filayaa in ay la wadaagto Soomaaliya khibraddeeda, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil.

Dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la filayaa in booqashadu ay horseeddo fursado cusub oo la xiriira maalgelinta, is-weydaarsiga badeecooyinka, adeegyada kale iyo in la dhiirrigeliyo xiriirka u dhexeeya ganacsatada labada dal.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad iyo dekedaha ah oo fududeyn doona safarka iyo ganacsiga u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeers.

Dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka, Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga Jaamacadaha Aljeeriya, si ardayda Soomaaliyeed ay ugu helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan culuumta caafimaadka, injineerinka iyo cilmiga siyaasadda.

Aljeeriya ayaa sidoo kale lagu xusaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in ay tahay dal gacan weyn ka geysta horumarinta waxbarashada Carabiga iyo Islaamka ee Afrika.

Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljeeriya ma aha oo kaliya munaasabad diblomaasiyadeed, balse waa tallaabo cusub oo lagu dhisayo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan dano wadaag iyo iskaashi dhanka amniga, horumarka iyo waxbarashada, taas oo kor u qaadaysa danaha labada shacab iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la…

May 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo shir guddoomiyay shirka Amniga Galmudug

SONNA (MUQDISHO) Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug.…

GudahaWararka
April 17, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Mareykanka.

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la…

GudahaWararka
December 15, 2022

Shirka Horumarka Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Muqdisho (SONNA)- Shirkaan oo ay ay Ka qeyb galayaan dhallinyaro  Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda…

Wararka
December 1, 2019

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay dayn gaaraysa $684-Million

Muqdisho,(SONNA):-Kulan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Timur Igorevich Maksimov ayey…

GudahaWararka
July 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023