Muqdisho(SONNA) Shirkani oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta iyo Khayradka Biyaha heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed waxaa ka qeybgalay sii hayaha wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh,masโuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha Tamarta ee dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh siihayaha wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya oo ka hadashey furitaanka shirkaasi ayaa muujisay ahmiyada shirkan horudhaca ah uu u leeyahay u diyaar garowga iyo qabsoomidda shirweynaha Qaran ee looga hadlayo Qorshaha Hormarinta Biyaha ee dalka.
Wasiiradii ka socday Wasaaradaha Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad goboleedyada oo hadalo ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxaa ay ka warbixiyeen baahiyaha dhanka adeeegyada biyaha eek a jira deegaanadooda,meelaha ay ku xoogan yihiin iyo dhinacyada ay baahiyaha u qabaan shacabka in laga caawiyo,waxaana ay soo dhaweeyeen qorshayaasha horumarineed oo ay hormuudka ka tahay wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya.
Dhawaan ayaa lafilayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha Qaran ee Qorshaha Hormarinta Biyaha dalka,kaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya.