Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay u qabatay hayโadaha dawladda heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadayaasha iyo Taageerayaasha Caalamiga ah,kaas oo la xiriiray xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinaayey sharciga shirkadaha Soomaaliya.
Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyada oo sido kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, hayโadaha IFC iyo weliba Sharci yaqaanada Muqdisho Law Office, Waxaana kulanka diiradda lagu saarayey dib-u-eegis lagu sameynaayey xeer-nidaamiyahaasi iyo in ka soo-qeyb-galayaasha kulankaasi ay talooyinkooda ku biiriyaan haddii ay tahay wax-ka-beddelid, kaabid iyo ka saarid intaba.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkani ay ahmiyad weyn u leeyihiin fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga, diiwaan-gelinta shirkadaha, xogta ganacsiga, fursadaha maal-gashiga iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal-gashadaha iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo-jiidasho maal-gashi, shaqo-abuur iyo kobcinta dhaqaalaha intaba.
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ka soo-qeyb-galayaashii kulanka uu kula dar-daarmay inay sida ugu habboon ay uga talo-bixiyaan xeerkaas lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha iyaga oo eegaya sida ay u dhisan yihiin shuruucda iyo xeerarka shirkadaha adduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan-qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri-gelinta iyo soo-jiidashada ganacsi iyo maal-gashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.
Wasiirku, wuxu ugu dambeyntii u mahad-celiyey masโuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Hayโadda IFC iyo Xafiiska Sharci-yaqaanada Muqdisho oo hawsha dedaal xoog leh ku bixiyey siddii ay u midho dhali lahayd sidoo kalena hore uga shaqeeyey diyaarintii iyo dhammeystirkii sharciga shirkadaha oo la ansaxiyey bishii Diisember 2019, waxa kale oo uu u mahad-celiyey dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay kulankaas oo uu u rajeeyey inay talooyin wanaagsan ku soo kordhin doonaan xeerkaasi.