Diyaaradaha isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo weeraray Yemen

La wadaag cid kale

Isbaheysiga uu hogaamiyo  Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla dalka Yemen.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in duqeymo xagga cirka ah lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sanca .

Weerarka cirka  ee manta oo Isniin ah ayaa yimid saacad ka dib markii isbahaysigu uu ku booriyay dadka rayidka ah iyo hay’adaha Qaramada Midoobay inay si deg deg ah u guuraan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ayaa sheegtay in koox ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha si ay u xaqiijiyaan inta uu la egyahay khasaaraha.

Sarkaalkaan  oo ay soo  xigatay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in la hakiyay duulimaadyadii gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Illaa hadda ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ay sababeen weerarka dhinaca cirka ah ee lagu qaaday garoonka Sanca.

 

La wadaag cid kale