Kampala-(SONNA)-Sii-hayaha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Yugaandha Mudane, Cabdiladhiif Maxamuud Cali oo booqasho ku tagay safaaradda dowladda aan walaalaha nahay ee Turkey ku leedahay dalka Yugaandha ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Ambassador, Fatih Ak.
Sii-hayaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay muhiimadda uu leeyahay xiriirka heerkiisu sarreeyo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida uu xiriirkaasi muhiim ugu yahay xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Amb; Cabdiladhiif Cali ayaa uga warbixiyay waxyaabihii ugu danbeeyay ee kusoo kordhay geeska Afrika, isagoo tilmaamay in kaalinta dalka Turkigu tahay mid aad muhiim ugu ah nabadda Bariga Afrika iyo Caalamkaba.
Dhankiisa Safiir dalka Turkey, Fatah Ak ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay ka go’antahay in ay Soomaaliya u fidiso taageero dhan walba leh, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyana uu yahay lama taabtaan.
Ugu danbayn labada mas’uul ayaa ku heshiiyay in kulamada iyo wada tashiyada Diblomaasiyiinta labada safaaradood la joogteeyo.