Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururka EAC?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururka EAC?
GudahaWararka

Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururka EAC?

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 25, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqotay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ka dib markii madaxda ururku ay aqbaleen codsiga Soomaaliya.

Tallaabadan waxaa bogaadiyay madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ( Kenya, Tanzania, Uganda, J.D. Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sudan), iyagoo ku tilmaamay tallaabo horumar oo Soomaaliya horay u qaadday.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimadda ku buurista Ururka Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo marxaladihii la soo maray.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Cali Cumar Balcad oo Waraysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu qiimo aad u ballaaran Soomaaliya u leeyahay in ay ku biirto Suuqan ama Bulashada bariga Afrika, balse muhiimaddiisu la ogaan doono marka uu mira dhalo.

‘’ Soomaaliya in ay ku biirto Suuqa ama Bulshada Bariga Afrika qiimaha uu leeyahay marka si loo fiiriyo waa mid aad iyo aad u balaaran ee dabcan sheyga marka uu cusub yahay su’aalo badan ayey iska weydiinayaa, balse muhiimaddiisu waxaa la ogaan doonaa marka uu mira dhal noqdo, Soomaaliya in ay suuqan ku biirto waxay soo bilaabatay 2012-kii,xukuumaddii madaxweyne Sheekh Shariif ayaa codsigii ugu horeeyay gudbiyay, codsiga xiga ayaa la gudbiyay 2015kii, marka labaad codis kale waxaa gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh (termkiisii hore), codsigaas ayaa noqday mid mira dhalay oo Soomaaliya u fududeeyay in ay ka mid noqoto suuqaasi,’’ ayuu yiri Wasiiru Dowladaha Arrimaha Diabadda XFS.

Wuxuu sheegay in ku biirista Ururkan loo soo maray marxalado kala duwan, waxaana Muqdisho u yimid 40-xubnood oo ka socda waddamada kala duwan ee xubnaha ka ah ururkaas, mar labaad wafuud Soomaaliyeed oo gaareysa 50-qof ayaa gaaray magaalada Nairobi si ay wada xaajood ula yeeshaan mas’uuliyiin ka socda dalalkaas, waxayna kulamadaas ahaayeen kuwo qiimeyn lagu sameynayo in ay Soomaaliya diyaar u tahay, buuxina karto shuruudaha loo baahan yahay in looga mid noqdo.

                                    Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururkan.

Wasiiru Dowladaha ayaa wareysigiisa ku sheegay in Suuqaas ay ku jiraan toddobo dal, Soomaaliya ay ku noqoneyso waddanka siddeedaad, siddeedaas dalna waxaa ka dhaxeeyo arrimo kala duwan.

Soomaaliya waa dalka kaliya ama Soomaalidu waa dadka kaliya ee maanta ka ganacsada toddobada dal, Wuxuuna wasiirku hoosta ka xariiqay in Soomaaliya badan ay joogaan dalalka DRC,South Sudan, Kampala (Uganda), Rwanda, Tanzaniya iyo Kenmya.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee si dhab ah uga faa’ideysanaya isku socodka dalalkaas, ‘’faa’idada ugu weyn ee aan heleyno waa dadkeenna Somaaliya oo siyaabo dhib badan Baasapooro kala duwan u isticmaalaya waddamada ay ka ganacsanayaan ama hantidooda aanay xafidneyd  in ay helayaan xoriyad iyo xafidnaan ee ganacsigooda ku baahin karaan dalalkaas,’’.

                 Suuqaas waxaa aas-aas u ah afar tiir oo labadan qodob ugu muhiimsan yihiin:-

  • Tiirka loo yaqaano common custom oo macnaheedu tahay in badeecadaha soo gala waddamadaas ay canshuur la’aan isku dhaafaan oo allaabta ka soo gasha dekadda Muqdisho canshuur la’aan lagu geyn karo toddobadaas dal, marka waxaa loo yaqaanaa common custom,in hal meel kaliya lagu canshuuro badeecadaha soo gala waddanka.
  • Tiirka labaad, waxaa middka loo yaqaano common market oo ah inuu suuqa mideysan yahay oo micanaheedu tahay in maalgashiga,shaqaalaha iyo isku socodka dadweynuhuba uu noqonayo si sahlan oo aanan loo baahneyn VISA loo kala qaato dalalkaas,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadkeennu ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Muqdisho(SONNA):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay  Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,waxaana ogolaatay…

GudahaWararka
September 28, 2024

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhamaystirka doorashooyinka. Muqdisho(SONNA):- Maanta oo sabti ah (3-April-2021) ayaa lagu ballansan…

Gudaha
April 3, 2021

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo xoojinaysa isku xirka mashaariicda caafimaadka

Sama-reeb (SONNA):- Wasiir dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa Magaalada Sama-reeb ka daah-furtay shirka dib u eegista iyo…

Wararka
December 30, 2020

Shacabka Kenya oo loogu baaqay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan la-dagaallanka Alshabaab

Mandheera-Kenya-(SONNA)-Shirar looga hadlayo ammaanka iyo sidii meel qura looga soo wada wada jeesan lahaa Dowladda iyo Shacabka Kenya ayaa waxay…

Wararka
January 24, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023